“Fanaaniintan Siidayntoodu Maaha Mid Dhabbaha U Xaadhaysa In Maalinba Qaar Yaacaan Oo La Sii Daynayo”

0
301

Hargeysa(Dawan):-Wasiirka Wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyi galinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse),ayaa sharaxaad ka bixiyay qaabka isu socodka dadka ee dalalka Somaliland iyo Soomaaliya iyo sababta loo xidhay afar fannaan  oo ka tirsan kooxda Xidigaha geeska ee reer Somaliland oo maalmihii Ciidda Carafo bandhig faneed ka dhigay caasimadda aan nabada ahayn ee Muqdisho oo la sii daayay shalay.
 
Wasiir Cukuse intaa ku daray in sii dayntoodu aanay ka turjumayn in cid kastaaba Xamar tagi karto oo inta la xidho la iska sii daynayo.
Waxaa kale oo uu ka hadlay Heshiisyada ay Somaliland kula jirto Idaacadaha   BBC-da  iyo VOA-da.
Wasiirka Warfaafinta oo ka hadlayay sii daynta afarta fannaan ee ka tirsan kooxda Xidigaha geeska iyo sababta xadhigooda,waxa uu yidhi .“Waxaan doonayaa in aan ka hadlo arrin aad loo buun buuniyay oo siyaasad laga dhigtay oo aad loo hadal hayay maalmahan taas oo ah xadhiga afar fannaan oo ka tirsan Xidiga Geeska oo Xamar tegay kuna soo qaatay halkaa munaasibadii maalmaha ciidda  ka dibna ciidanka ammaanku xidhay markii ay dalka ku soo noqdeen,hadaba waxay is weydiintu tahay maxaa loo xidhay, xidigaha geesku waa innamadayadii waa dhalinyarradaydii in loo caqli celiyo ayay naga mudan yihiin oo aanu waanino wixii sharci ahna waa halkiisa.
Horta qaddiyadda qarannimadda Somaliland wax kasta oo waxyeelaynaya in aanu ka hortagno oo aanu adkayno qadiyadda qarannimada Somaliland, xil baa naga saaran oo masuuliyad ayaanu dalka u haynaa oo dawlad ayaanu u nahay. markaa cid kasta oo socdaalkooda ay Xamar ku tegayaan waxyeelaynayo qaddiyadda Somaliland ogolaan mayno.”
 
Wasiirka Warfaafinta oo hadalkiisa sii watay  ayaa intaa ku daray. “Markii ay Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud Turkiga kulanka ku yeesheen waxa ugu weyn ee Xasan uu ka codsaday Madaxweyne Siilaanyo waxaa ugu weynayd in ay is dhex galaan fanka iyo dhaqanka labada dal,taasoo aanu ka diidnay,sababta aanu u diidnayna waxay tahay nin na sheeganaya oo qadiyadayada diidan oo leh aniga ayay iga mid yihiin in aanay dhaqanka iyo fankayagu uu u tago oo uu sheegashadiisa markhaati uga dhigto.”
Waxaa uu sharaxaad ka bixiyay dadka isu socodka Somaliland iyo Soomaaliya uu dhibaatada ku yahay qadiyadda iyo qarannimadda Somaliland ee tagistooda Xamar ay tahay mid dhaawac ku ah qaranimada Somaliland isla markaana markhaati u noqonaysa sheegashada iyo Somaliland-diidnimada Dawladda itaalka daran ee Muqdisho ku doodo.
“Waxaanu diidanay dadka caanka ah ee magaca leh sida siyaasiyiinta,Culimada Fannaaniinta ayaanu diidan nahay tagitaankooda oo ah mid aanu u diidanay in nin na sheeganaya oo qaranimadayada diidan in uu sheegto in dhaqankayagii iyo suugaantayadii iyo culimadayada iyo fankayagu in ay iska tagaan oo uu isna sheegashadiisa markhaati uga dhigto,ayaanu diidanahay,”ayuu ku dooday Wasiir Cukuse.
Waxaanu intaa ku daray in la sii daayay afartaa fannaan isla markaana laga waanin doono waxyaabaha qaranimada dhaawaca ku ah ee aanay hore u garanayn. “Imikana waa la sii daayay waa wiilashayadii waa fannaaniin da’yar oo soo koraya,  waanan ka waaninaynaa oo waanu u caqli celinaynaa.  waanan baraynaa in ay ka  waantoobaan  wax kasta oo qaranimada halis ku ah.sii dayntooduna   kama turjumayso in cid kastaaba ay iska tegi karto oo ay haddana  iska soo noqonayso oo inta la xidho haddana la iska sii daynayo, ma nacasayn karaan cidda ilaalinaysa qadiyadda jiritaanka qarannimadda Somaliland cid kasta oo qarannimada dhaawac u gaysatana sharciga dalka ayaa la marinayaa.”
Waxaa kale oo uu ka hadlay Cabdilaahi Maxamed Daahir,Idaacadda VOA-da oo labadii maalmood ee u dambeeyay aanay hadal FM-ta Hargeysa u taalla oo uu sheegay in ay dib u eegayaan heshiiskii ay Somaliland kula jirtay.
Wasiirka oo ka jawaabayay su’aal laga waydiiyay in ay FM-ta VOA-da bakhtiiyeen,ayaa ku jawaabay. “Annagu idaacadaha BBC iyo VOA mana bakhtiino, mana shidno laakiin dawlad ahaan ayaanu heshiis ugula jirnaa cidda heshiiska aanu  la galay ka baxda ee qaranimada Somaliland wax ku lid ah ku kacdana in aanu dalka iyo dadka ka qabano ayaanu dawlad u nahay hay’adahada heshiisyada nagula jira ee ka baxana tallaabo ayaanu ka qaadnaa,waxaanan kuu sheegayaa imikana idaacaduhu siday u ka da’yar yihiin ayay u kala edab daran yihiin,waxaanan dib u eegis ku samaynaynaa heshiiskii aanu kula jirnay.”
Faysal Xiis Weerar(Afgaab)
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply