Shirkad Soo Saartay Qasaalad Sida Kabadhka Dharka Loo Isticmaalayo,Dharkana Maydhaysa

0
333

Shirkadda LG oo ah shirkad soo saarta qalabka Electronics ka ayaa soo saartay qasaalad cusub, taas oo u samaysan habka kabadhka dharka oo kale,waxaanay lee dahay qasaaladani meelo dharka la sudhaayo,taas oo lagu maydhi karo ,sidoo kalena lagu qalajin karo dharta.
qasaaladan ayaa ah mid si Automatic ah dhamaan shaqadan u qabanaysa,iyada oo qofka dharkaasi lihi aanu dul joogayn, waxaanay ka kooban tahay saddex khaanadood,taas oo mid kamid ahi maydhaysa iyada oo isticmaalaysa uumi,halka ta labaadna qalajinayso,waxaana isku wadhaysa qaybta saddexaad.
masuuliyiinta shirkadda ayaa sheegay in qasaaladani tahay mid aan loo baahnayn in gacanta loola tago,sidoo kalena aan loo adeegsanayn waxyaalaha Chemicals ka ah ee dharka lagu maydho,iyada oo lasoo raacinaayo shambo ay iyadu isku shubayso.
shirkadda ayaa rajaynaysa in ay marka ugu horeysa ku tijaabiyo meelaha Hudheelada ah,Airports ka iyo dadka tijaarta ah,iyada oo lagu iibsanaayo waqtiga ay suuqa soo gasho lacag dhan ilaa $2000 oo lacagta Maraykanka ah.
farsamayaqaanada shirkadda ayaa sheegay in qasaaladani ay kuwa kale kaga duwan tahay iyada oo aan loo adeegsanayn wax biyo ah ,waxa keliyaata ee ay wax ku maydhaysaana uu yahay uumi,iyaga oo intaas raaciyey in ay meesha ka saari doonto gebi ahaanba wixii Germs ah iyo Bacteria-da .
Dave Bander Bal oo ah madaxa suuq geynta ee shirkadaasi in ay rajaynayaan in ay dhowaan suuqyada caalamka soo geliyaan qasaaladan,taas oo noqon doonta siduu sheegay mid waxtar weyn u keentay ,meeshana ka saari doonta kharashkii badnaa io sidoo kale waqtigii ku lumi jiray dharka la maydhaayo.
shirkadda LG ayaa qalabkan kusoo bandhigtay bandhig lagu magcaabo Fashion Week in New York oo dalkaasi lagu qabto sannad walba.
 

Leave a Reply