Madaxweyne Ku Xigeenka Oo Shahaadooyin Gudoonsiiyay Ardaydii Ugu Badnayd Ee Ka Qalin Jebisay Jaamacadda Hargaysa

0
300

Hargaysa (Dawan):  Madaxweyne ku  xigeenka  Somaliland Md. C/raxmaan C/laahi Ismaaciil (Saylici), ayaa shalay  shahaadooyin gudoonsiiyay  930 arday oo ka qalin jebiyay  jaamacadda Hargaysa, iyadoo ay noqonayso markii u horaysay oo ay arday sidan u badan ka qalin jebiyeen jaamacadaasi.
 
Ardaydan  qalin jebiyay ayaa noqonaya dufcadii 12-aad eek a aflaxa jaamacadda Hargaysa mudadii ay jirtay. Kuwaasi 383 ka mid ahaa ardaydaasi ay ahaayeen Gabdho halka 547-ka kalena ay wiilal ahaayeen. Waxaanay ardaydaasi  isugu jireen kuwo   qaatay shahaadadda Masters Degree iyo Posgratude  Diploma iyo Undergrtuade Degree.
Munaasibadii qalin jebinta dufcadda 12-aad ee jaamacadda Hargaysa oo  ka qabsoontay hoolka jaamacadaasi ayaa waxaa lagu soo casuumay  masuuliyiin iyo madax kala duwan oo ka kala socday  xukuumadda, saddexda  xisbi qaran,   goleyaasha baarlamaanka, maamulka iyo macalimiinta jaamacadda Hargaysa,  siyaasiyiin, aqoon yahayno, waalidiin iyo marti sharaf kale.
 
Madaxweyne ku  xigeenka  Somaliland oo halkaasi hadal ka jeediyay ayaa   si weyn ugu faraxsan yahay  in uu  goob joog u ahaaddo  munaasibadan qalin jebinta ah. Waxaanu  yidhi   “Sharaf  weyn ayay noo tahay in aanu u dabaal degno qalin jebinta  930-kan  arday kana qalinjabiyay qaybaha kala duwan ee jaamacada Hargeysa.  Waxaanay  aniga ii tahay farxad  gaar ah  iyadoo ay tahay markii koobaad ee intii aan xilka hayay aan jaamacadda Hargaysa kala qayb galo xafladan qalin jabinteedda u joogo,  salaana aan idiinka sido Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Axmed Siilaanyo”.
 
Sidoo kale waxaa isna halkaasi hadal ka jeediyay wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare prof.  Faarax Cilmi Geedoole, waxaanu tilmaamay in  ardayda qalin jebisay looga baahan yahay in cilmiga ay barteen uu noqdo mid ay dalkoodda ugaga faa’iideeyaan.
 
Isagoo kula dardaarmay in   ay noqdaan kuwo aan ka wer-werin shaqo la’aan. Maadaama oo ay barteen  aqoon heer sare ah.    “Maadaama aad maanta (shalay) qalin jebinaysaan shaqo la’aan  la idiinka biqimaayo,  waayo cilmi iyo shaqo la’aani meel ma wada galaan.  Dad  wax soo bartay ayaad tihiin,  jaamacad tayo leh ayaad ka soo baxdeen, cilmiguna wax tuug xadaayo ma aha,  waa wax meelkasta oo aad aduunka ka joogto kuu raacaya. Waxa aynu ku soconaa guul INSHA ALLAH jaamacadahana waxa aanka codsanaya anaguna waanu kala shaqayn doonaaye inay tayada ardayda kor uqaadaan” ayuu yidhi wasiir Geedoole.
Guddoomiyaha jaamacadda Hargaysa Mahdi  Cismaan Buuri, oo  khudbad ka jeediyay  munaasibadii qalin jebinta  ayaa ka waramay marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay jaamacadu tan iyo markii la la aasaasay sanadkii  1999-kii, waxaanu tilmaamay in ay horumar aad u balaadhan ku tallaabsatay. Isagoo  sheegay in mudadaasi ay ka aflaxeen  kumanaan arday ah oo maanta ka mid ah madaxda iyo masuuliyiinta qaranka.
Mahdi  Cismaan Buuri, waxa uu  faahfaahin ka bixiyay waxyaabaha ay jaamacadda Hargaysa kaga duwan tahay jaamacadaha kale ee dalka ka jirra. Waxaanu yidhi “Jaamacada Hargeysa  waxay  jaamacadaha dalka kaga duwan tahay,  waa mid aan ganacsi loo furin.  Laakiin  loo furay danaha shacabka Somaliland, iyadoo qaabisha ardayda kala gadisan ee ka timaadda goboladda dalka guud  ahaan.   Sidaas  darteed Jaamacada Hargeysa  waxay  sii saa  ardayda qiimaha ugu jaban ee arday uu wax ku baran karro,  lacagta jaamacadda ka soo  baxdaa ma aha mid jeeb gooni ah  ku dhacda ee waa mid iyada dib loogu celiyo.”
Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi  oo isna halkaasi hadal ka jeediyay ayaa  kula dar-daarmay ardayda qalin jebisay in ay noqdaan kuwo dalkoodda aamin, isla markaasina ay ka shaqeeyaan  dhinac kasta oo ka mid ah dhibaatooyinka dalka jirra, sida horumarkiisa iyo difaacidiisaba.
 
Muuse Biixi, oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Jaamacada Hargeysi waxa ay kaga duwan tahay Jaamacadaha kale ee dalka waxbadan, qofka maanta jaamacad ka qalin jabiyay ee dhamaystayna xilka wadankiisu isaga ayay saaran tahay.  Markaa  dhibaatadda  dadkii wadanka ka saari laaha ayaad tihiin,  intiina qalin jabisay ee ma tihidin intii maanta niyad jabi lahayd,  ee iyadu wax sugi lahayd.  Haddii  aad tihiin ardayda  jaamacadan ka soo qalin jabisay waxaa inoo balan ah  in aad  afar qodob   hormood ka noqotaan,  koow in aynu dalka aqoontiisa aamino oo aynu noqono kuwa wax ku curinaya.  In  dhaqaalaha dalka kuwa curiya aad hogaamisaan ayaanu doonaynaa,  in ardayda jaamacada Hargeysi wadankooda wax kala soo baxaan”.
 
Waxaanu intaasi ku daray  “Waxaan  doonaya in aad keentaan caqliga ah lacagta inagaga baxda Qaadka sidii aad dib ugu dejin lahaydeen,  ayaan idinka doonayaa.  Ma aha in aad war-wartaan ee waxyaabahaas oo dhan ayaa la idinka rabaa.  Ta  u danbaysaana waa difaaca dalka waayo cadaw faro badan ayaynu leenahay yaa caqli iyo xoog ku daafacaaya hadalada ninka Soomaaliya fadhiyaa uu ina laaha maalintii dhaweyto cidda difaacaysaa waa Jaamacada Hargaysa” ayuu yidhi  guddoomiyaha KULMIYE.
Sidoo kale waxaa isna munaasibadaasi hadal ka jeediyay guddoomiyaha maxkamadda sare Aadan Xaaji Cali, waxaanu ardayda qalin jebisay ku amaanay dedaalkii dheeraa ee ay u soo mareen waxbrashadoodda iyo sida loogu baahan yahay in ay noqdaan kuwo aqoonta ay barteen  ku anfaca dalkoodda iyo dadkoodda. Gebagebaddii xafladaasi ayaa madaxweyne ku xigeenka Somaliland C/raxmaan Saylici waxa uu shahaadooyinkii gudoonsiiyay tobanka ardayda ee ugu horeeyay.
By: Khadar M.Xaashi
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply