Guddoomiye Ku-Xigeenka Wakiiladda Oo Ka War-bixiyay Nabadeyn Ay U Tageen Qoriiley

0
269

Buuhoodle (Dawan): Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha Wakiiladda Somaliland Baashe Maxamed Faarax ayaa ugu baaqay maamulka Puntland in aanay siyaasadayn iska horimaadkii dhawaan ku dhex maray laba beelood degaanka Qoriiley oo koonfur bari kaga beegan magaaladda Laascaanood.
Guddoomiye Baashe iyo wefti uu hogaaminayo  oo arrintaasi xalinteedda u tegay gobolka Sool, oo  shalay   warbaahinta kula hadlay magaaladda Laascaanood,  waxa uu sheegay in labada beelood ee ku dagaalamay Qoriley ay yihiin dad walaalo ah oo wada dega halkaasi.
 
Baashe Maxamed faarax, oo ugu horayn ka war bixinayay u jeedadda socdaalka weftiga uu hogaaminayaa ay ku joogaan Laascaanood, waxa uu yidhi “Socodkayagu waxa uu ahaa in meeshaa mushkiladu ka dhacday ee Qoriiley in aan tago,  oo aan soo indho-indheeyo oo meesha lagu soo dabaalo nabad.  waxa weeye dagaalku waxba ma taro oo wiil ayaa ku dhinta”.
 
Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha Wakiiladu   waxa uu u soo jeediyay maamul goboleedka Puntland in aanay siyaasadayn labada beelood ee isku horimaadku ku dhex maray deegaanka Qoriiley waxaanu yidhi  “Qolada Puntland waxa aan u sheegaynaa in aanay dagaalka siyaasadayn  waxaana ugu baaqaynaa salaadiinta iyo garaadada in arrintaa si dagdaga u soo dhexgalaan waana ka tacsidaynaynaa labada dhinacba wixii ka dhintay.
Waa dad ehela oo walaalo ah oo wada dagan waxa isku dayaynaa in aan arrinkaa sida ugu dhakhsaha badan loo qaboojiyo”.
Si kastaba ha ahaatee socdaalkan guddoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha Wakiiladda iyo weftiga uu hogaaminayaa ay ku tegeen Sool, ayaa la xidhiidha sidii ay Somaliland dhinaceeda gacan uga geysan lahayd qaboojinta dagaallo ay dad badani ku dhinteen oo mudooyinkanba u dhexeeyay beello wada dega gobolka Sool.
By: Khadar M. Dhako
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply