Taliyaha Asluubta Oo Ka Hadlay Xaaladda Xabsiga Laascaanood Iyo Ciidankii Joogay Oo La Bedalay

0
251

Laascaanood (Dawan): Taliyaha ciidamadda Asluubta ee Somaliland sareeye guuto Maxamed Cismaan Xudhuun ayaa  shalay   socdaal kadis ah  ku tegay magaaladda Laascaanood ee xarunta gobolka Sool. Iyadoo 17 ka mid ahaa  maxaabiista  ku jirtay xabsiga magaaladda Laascaanood ay dhawaan baxsadeen.
 
Taliye Xudhuun oo warbaahinta kula hadlay magaaladda Laascaanood ayaa  tilmaamay in xabsiga magaaladda Laascaanood ay ka bedeleen ciidamadii hore u joogay,  maadaama  oo ay maxaabiis ka baxsatay. Waxaanu  carabka ku dhuftay in xabsiyadda goboladda dalka uu soo indho-indhayn doono. “Waxa aan socdaal ku marayaa gobolada oo dhan waana markii ugu horaysay ee aan maro ciidanka asluubta meel kasta oo uu joogo ilaa waxa aan tagayaa Ceerigaabo.
Xabsiga Laascaanoodna wixii dhacay ee hore waa la hagaajiay ciidan cusub ayaana keenay oo aanu u soo badalanay wax xumina ma  jiraan” ayuu yidhi taliyaha ciidamadda Asluubta sareeye guuto Xudhuun.
Socdaalka taliyaha ciidamadda asluubta Somaliland uu ku tegay magaaladda Laascaanood ayaa imanaya  iyadoo laba todobaad uun  laga joogo, kadib markii   sida laga war-qabo dhawaan ayaa xabsiga magaaladda Laascaanood waxaa ka baxsaday 17 ka mid ahaa maxaabiistii ku  xidhnayd iyo laba askari ka tirsanaa ciidamadii xabsiga ilaalinayay wakhtigaasi.
Askartaasi  oo la sheegay in ay gacan ka siiyeen baxsashadda maxaabiistaasi, gaar ahaan saddex nin oo  la ay isku hayb ahaayeen. Kuwaasi oo loo haystay dabiyo la xidhiidhay dagaallo laba beelood hore ugu dhexmaray degaamo ka tirsan gobolka Sool.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply