Maalinta 29 September Oo Loo Asteeyey Maalinta Wadnaha Adduunka

0
308

Iyada oo ay jiraan maalmo hore loo asteeyey ,ayna kamid yihiin maalinta Bacda adduunka iyo maalinta Faraxalka adduunkaa ayaa dhowaan loo asteeyey 29 september in ay noqoto maalinta Wadnaha .
khubarada ku takhasusay wadne xanuunka ee ka tirsan ururka Caafimaadka adduunka ee WHO ayaa maalintan asteeyey,iyaga oo talooyin badan usoo jeediyey dadka wadne xanuunka leh.
dadkan ayaa soo jeediyey in maalintii dadka wadne xanuunka lihi ay sameeyaan jimicsi,iyaga oo sidoo kalena qaadaaya in ku dhow ama u dhaxaysa 6 ilaa 10 kun oo talabo,taas oo u wanaagsan Jismi ahaan iyo maskax ahaanba qofka.
khubaradan ayaa sheegay in dadka socda in ka yar 5000 oo talaabo maalin ay ka fiican yihiin kuwa sameeya intaas in ka yar,taas oo ah ta keentay in xanuunka wadne xanuunku qofkaas ku dhaco,iyaga oo sidoo kalena sheegay in socodka la sameeyo in u dhaxaysa 5000 oo talaabo ilaa 7499 talaabo uu isna keeno jidhka oo iska difaaca xanuuno badan,halka qofka oo socda 7500 ilaa 9999 talaabona uu yahay ka ugu wanaagsan caafimaad ahaan.
caasimada wadanka Ruushka ee Moscow ayaa laga abaabulay maalintii Axadii socod lagu xusaayey maalintan 29 September,waxaana ka qayb qaatay 100,000 oo nin iyo sidoo kalena dumar iyo caruur intana ,kuwaas oo socod ku maray meelo magaaladaasi kamid ah.
waxaanay sheegeen in ka hortaga dhibaatada wadne xanuunku inay bilaabantay sannadkii 1999 kii,xiligaas oo ururka WHO uu aqoonsaday ururka wadne xanuunka ka shaqeeya ee World Heart Federation,waxaana la rajaynayaa in maalintan ay hay’adda UNESCO ay ansixiso dhankeeda.
maalintan ayaa toddobaadkii dhowaa caalamka laga xusay,iyada oo hawshan la bilaabay sannadkii 2011 oo xuskii ugu horeeyey la dhigay ,waxaana maalintan calaamad looga dhigay kelmada Heart for life.
 

Leave a Reply