Maxaad Ka Taqaanaa 10 Waddan Ee Ugu Faqiirsan Afrika,Qaybtii Saddexaad?

0
354

9:Madagascar:waa wadan yar oo ku yaala bad weynta Hindiya,waana mid kamida wadamada ugu yar yar ee qaaradan aadka ugu dhow laguna tiriyo,waa wadan dhaqaalihiisu aad ugu xidhan yahay waxyaalo kala duwan.
waxyaalaha uu dhaqaalihiisu aadka ugu xidhan yahay waxa kamid ah Dalxiiska,waxa kale oo kamid ah Beeraha  iyo wershado yar yar oo wadankaasi lee yahay,sida lagu sheegay warbixin la soo saaray sannadkii 2011.
wadankan dhaqaalihiisu waxa uu 29% ku xidhan yahay beeraha ,halka 15% kamid ahina ku xidhan yahay wershado yar yar oo wadankaasi lee yahay.
dhinaca dalxiiska ayaa ah isna mid aad u sareeya,waana ka ugu badan ee uu ku xidhan yahay dhaqaalaha wadankaasi ,waana 50% dalxiisu dhaqaalaha wadankaasi,sida lagu sheegay warbixin lasoo saaray sannadkii 2009 kii.
heerka dhaqaale ee wadankaasi Madagascar ayaa gaadha qiyaas ahaan $972.07 ,waxaana dadka dalkaasi ku nool yihiin nolol ahaan mid aad u hooseysa oo ka hoosaysa cabirka lagu qiyaaso saboolnimada,waana 69% dadka dalkaasi kamid ah kuwa heerkaasi ku nooli.
10:Mali :wadanka ugu dambeeya ee tobnaad ayaa ah wadanka Mali ,waana wadan kamid ah wadamada dagaaladu ragaadiyeen qaaradan Afrika,waana wadan uu aad ugu badan yahay waxa loo yaqaano Malnutrition ka oo ah nafaqo darada,sidoo kalena waa wadan uu aad u hooseeyo tayadiisa nadaafadeed,waana caqabada ugu weyn ee caafimaadka wadankaas haysata.
wadankan ayaa dadkiisa inta ugu badan oo lagu qiyaasay 50% uu yahay mid ka hooseeya heerka caalamiga ah ee faqiirnimada,taas oo ah $1.25 maalintii,waxaana lagu qiyaasaa in uu gaadho dhaqaalaha wadankaasi $1,136.
Dhamaad.
 
 

Leave a Reply