“Waa Fool-xumo In Nin Hoggaan Dhaqameed Ahi Uu Warbaahinta Kaga Baano Reernimo” Suldaan Samatar

0
287

Boorama (Dawan):- Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar oo ka mid ah salaadiinta Somaliland ee k a soo jeedda gobolka Awdal,  ayaa  fool ku tilmaamay  in salaadiintu ay af qabiil warbaahinta kaga baanaan. Waxaanu sheegay in salaadiinta Somaliland qaarkood ay ka leexdeen  hab-dhaqankii iyo hanaankii madax-dhaqameedka, isla markaana ay muddooyinkan dambe isku bedaleen siyaasiyiin, iyadoo mararka qaarkood hadallo ka baxsan anshaxa sandaladda warbaahinta  isku mariyaan.
Suldaan  Ibraahim Jaamac Samatar ayaa   u soo jeediyay salaadiinta caaddaystay inay qaab  beelnimo u hadlaan inay ka waantoobaan hadaladda dadka kala fogeynaya oo uu ku dooday inay wax u dhimayso qaranimadda Somaliland.  “Waxaan leeyahay fool xumo ayay tahay in nin weyn oo hogaan dhaqan ah inta uu warbaahinta ka hadlo yidhaahdo annagoo reer hebel ah sidaa ma yeelayno,  haddii  hebel  la sii dayn waayo  waxaan u arkaa khalad. Waana ceeb in nin Suldaan ahi ku hadlo af qabiil oo uu yidhaahdo annagoo reer hebel ah,”Ayuu yidhi Suldaan Samatar oo u waramay Telefishanka Universal.
Suldaanku isagoo arrintaasi ka hadlayay waxa uu yidhi “Waana inay ka waantoobaan salaadiintu arrintaas khaladka ah ee qaranimada waxyeelaya. adduunyadu way is-bedalaysaa oo culimadii  wax-baa iska bedalay oo salaadiintii,  wax baa iska bedalay.  Waxaanay  la socotaa  bulshadda  ay wax iska bedaleen. Waana in la ilaaliyo ixtiraamkii iyo milgihii ay lahayd sandaladu.”
Dhinaca kale Suldaan Ibraahim Jaamac   waxa uu  ka hadlay arrinta muddooyinkan dambe muranku ka taagnaa ee Haamaha Kaydka shiidaalka,  isagoo   u soo jeediyay   axsaabta mucaaridka ah iyo dhinacyadda kale ee arrintaasi ku mashquulsan in loo dabo fadhiisto    xukuumadda    arrimaha ku wajahan haamaha kaydka shiidaalka ee magaaladda Berbera.  “Dadka   ka hadlaya haamaha waxa aan isleeyahay dad ajanabi ah ayay la rabaan. Waxa aan leeyahay xukuumadda Kulmiye ayaynu dooranay baarlamaan ayaynu leenahay aynu uga dambayno.Waar dadkan haamaha kaydka shiidaalka lagu wareejinayaa ma dad ajanabi ah baa mi yaanay ganacsadii Somaliland ahayn,  sow tii   aynu wasaaradda  shaqada  ku haysanay  dad ajnabi ah ayay shaqaalaynaysaa.”
Khadar M. Dhako
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply