Assad oo ku Hanjabay inuu Bariga Dhexe Waajihi Burbur

0
408

Madaxweynaha Syria, Bishaar Al-assad, ayaa sheegay in isbahaysiga u dhexeeya Syria, Russia, Iran iyo Ciraaq ay tahay in uu guuleysto, hadii kale gobolka oo dhan uu wajihi doono burbur.
Wareysi uu la yeeshay telefishin Iran ah, ayuu Assad sidoo kale ku dhaliilay in waxtar la’aan ay yihiin duqeymaha cirka ee isbahaysiga uu hogaamiyo Mareykanka ku hayo Syria iyo Ciraq.
Russia, ayaa duqeymo badan ka geysatay Syria. Waxayna sheegeen, in ay bartilmaameed ka dhigteen kooxda dowladda Islaamka, balse dhaq dhaqaaqayaal Syrian ah, ayaa sheegaya in weeraradu u muuqdaan kuwa ku aadan kooxaha kale ee falaagada, ee qatarta ku ah Assad.

Leave a Reply