Yuhuuda oo Burburisey Guryo Falastiin

0
367

Ciidamada Yahuuda Israa’il ayaa bilaabay in ay burburiyaan dhismooyinka ay degan yihiin Qoysaska Reer Falastiin ee dhalinyaradooda weerarada u geysta Dadka Yahuuda ah ee degan dhulka Reer Falastiin ee xooga lagu heysto.
Xukuumada Israa’il ayaa maalin kahor go’aamisay in la bur buriyo guryaha ay dagan yihiin dhalinyarada dilalka u geysta dadka Yahuuda ah , waxaa durba maalintii salaasadii Ciidamada Yahuuda ay bur buriyeen labo guri ay degnaayeen Qoysas Reer Falastiin ah.
Ciidamada Yahuuda ayaa xoog uga saaray dhismoyoinkaasi dadkii dagnaa waxa ayna kadib ku bilaabeen bur burin xoogan, waxaana guryahaasi lagu dhax bur buriyay agabkii ay lahaayeen qoysaskii halkaasi dagnaa.
Guryaha la bur buriyay ayey sheegeen Israa’iiliyiinta in ay dagnaayeen dhalinyaro dhawaan dil u geystay Lamaane Yahuud ah, waxaana talaabadan ay Yahuuda Dhismooyinka ku bur buriyeen aad u canbaareeyay shacabka Reer Falastiin.

Leave a Reply