Dhaqanka Xun: Muxu U Garaacay Aroosada Habeenkii Aqal Galka?

0
308

Saacado ka dib  markii ay dhamaatay xafladdii arooska, ayuu Isbitaalku khaati ka joogsaday qaraabadii aroosada oo iyagoo yaaban oo raadinaya waxa ka jira qolka gargaarka degdeg ah Isbitaalka oo ay taallay aroosadu, iyadoo halkaasi ay ilaalinayeen ciidanka Booliisku. Waxay ahayd qiso yaab leh, wiilka arooska ayaa u sheegay booliiska in markii  arooska laga dareeray ee ay qolkooda galeen uu gabadha dagaal uu ku bilaabay si uu u fuliyo taladii hooyadii oo ahayd in gabadha habeenka u horeeya uu is baro oo garaaco.
Waxaana uu sheegay inay qaadan weyday inuu garaacayo, ka dibna six un ayaan u tumay, iyadoo miyir beeshay sidaasi ayaan hooyadeed iyo aabaheed ugu yeedhay. Isbitaalka ayaa sheegay in inantu ay dhudhunka ka jabtay isla markaana ay qabto dakharo kale oo dhinaca madaxa ah. Wiilka ayaa sheegay in wiilasha ay walaalaha yihiin sidan u tumeen dumarkooda.

Leave a Reply