Maraykanka: Dagaalka Barkimooyinka Ee Sanad Ka Dhaca!

0
516

Dalka Maraykanka waxa ka dhaca dagaal dhinaca barkimooyinka ah oo dhex mara ardayda sanadka koowaad ee Akaademiyada Ciidamada. Dagaalkan ayaa sanadkan keenay inay ku dhaawacmaan 30 arday sida u sheegay madaxa Akaademiyada Gen. Robert All. Maamulaha ayaa shegay inay caadadan isku dayeen inay joojiyaan laakiin ay sanad kasta ka dhacayso Akaademiyada West Point ee Newyork.
Gen.Robert ayaa intaasi ku daray in ardaydu marka ay qaataan xagaaga tababar adag soona dhamaystaan ay ka dhigtaanย  nafisaad iyo raaxo. Maamulaha ayaa sheegay in dagaalkan oo 30 arday waxyeelo ka soo gaadhay ay 24 ka mid ah si xun u dhaawacmeen ka dib markii ardayda qaarkood barkimooyinka soo dhex galiyeen biro. Af hayeenka Akaadamiyadda Gaashaanle Chrostopher ayaa wargeyska Times u sheegay in tallaabo la qaadi doono marka baadhitaanku dhamaado, wuxuuna uu intaasi ku daray in aanay jiri doonin in la baabiiyo caadaan ay ardaydu ku nefsto, inkasta oo ay tan ugu danbaysay ee dhacady dhamaadkii bishii August 2015,ย  ay khasaare keentay..

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here