Sanadkii 1938 ayay wada degenaayeen tuulo yar oo ku taala Turkiga kana tirsan gobolka Qahramaan. Wakhtigaasi Mustafe ayay ku heshiiyeen inay is guursadaan gabadha Dondo Kirash , iyadoo da’diisu ahayd 15. Gabadha ayay da’deedu ahayd 18 sano. Guurkaasi waxa Mustafe iska hor taagay aabihii. Niyad jabakaasi ayaa keenay inuu ku biiro ciidanka oo tuuladiina iskaga tego. Laakiin 4 sanadood ka dib ayuu tuulada ku noqday si uu mar kale arinkii guurka ula sii wado, nasiib daro wuxu la kulamy gabadhii oo la guursaday oo wiil dhashay. Wakhtigaasi ayuu si rasmi ah u goostay inuu dego magaalada Goskon, halkaasi oo uu ku guursaday caruurna ku dhalay. Waxay ahayd in qisadu sidaasi ku dhamaato, laakiin may noqon.
Odayga Mustafe waxa dhimatay Islaantiisa caruurtiisuna way weynaadeen ka dibna wuxu ku noolaa xarunta xanaanada dadka waaweyn, maalin ayay isku arkeen Dondu oo iyana halkaasi ku noolayd ka dib markii caruuteedii weynaatay. Markii ay is waraysteen waxa ygo’aansadeen inay is guursadaan, laakiin labadooduba markii ay u sheegeen caruurtoodi way diideen wayna ka soo hor jeesteen Islaanta inantii ay dhashay ee jeclayd ayaa oohin xarunta ka dhex bilowday markii ay u timi una sheegtay iyadoo la aamusiin kari waayay oo ka cabanaysay khaladka ay hooyadeed ku jirto. Sidaasi ayuu Mustafane ahaa oo caruurtiisu u diiday. Xarunta ayaa markaasi sheegtay in arinkaasi ay labadooduba joojiyaan. Laakiin odayga Mustafe aya u sheegay in loo baahan haddii loo diidona uu ka kaxaysan doono xarunta magaalada guri ka degi doono.
Maayarka magaalada Mr. Jushkon ayuu arinka dhex galay isagoo ku qanciyay caruurtii inay ogolaadaan inay wada noolaadaan madaama aanay yaraantoodii nasiib isu helin si ay uga wada sheekaystaan waayihi soo maray, madaama aanu midkoodna shaqo tegayn wakhti badana haystaan. Wakhtigaasi ayay caruurtu ogolaatay guurkaasi. Lamaanahan ayay da’doodu labadoodba dhaaftay 90 sano.