Madaxweynaha Somaliland Oo Shacbiga Ka Tacsiyadeeyay Geerida Marxuum-C/Samad Axmed Ismaaciil

0
330

Hargeysa (Dawan)-Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa  dhambaal tacsi ah u diray qoyskii, qaraabadii iyo shacbiga  Somaliland  ee uu ka baxay ALLE ha u naxariistee Oday MARXUUM-C/SAMAD  AXMED ISMAACIIL oo 11/10/2015 ku geeriyooday Itoobiya, maanta lagu aasi doono Magaaladda Hargeysa.
Sidaasna waxa lagu sheegay dhambaal tacsi ah oo uu xalay soo saaray afhayeenka madaxtooyadda Md. Axmed Saleebaan Dhuxul, waxaanu u dhignaa sidan:- “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu tacsi u dirayaa Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Mudane Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) isagoo ka tacsiyadaynaaya geerida ku timid ALLE ha u naxariistee Abtigii Marxuum  C/Samad Axmed Ismaaciil oo ku geeriyooday Dalka Ethiopia 11/10/2015, maanta  lagu aasi doono Magaaladda Hargeysa.
Madaxweynuhu waxa uu tacsi taasi la mida u dirayaa Qoyskii Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii, Ubadkii iyo guud ahaan Shacbiga Somaliland, waxaanu Madaxweynuhu marxuumka ku tilmaamay muwaadin dalkiisa iyo dadkiisaba u hibeeyey wakhtigiisa isagoo marxuumku Ceel Riig biyoodkii u horeeyey ee dalka la qodo 50 sanno ka hor ahaa shaqsigii ku dhiiraday hirgelintiisa ee qoday, sidoo kale waxa uu ka soo shaqeeyey dib u dhiskii iyo nabad kuwada noolaanshaha beelaha Somaliland wada dega, isaga oo door muhiimana ka qaatay hub ka dhigistii ciidamo beeleedkii loo bedelay ciidamada qaranka Somaliland.
Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii jannatu fardawsa ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii Ubadkii iyo shacbiga  Somaliland ee uu ka baxdayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo. IN-NAA LILLAAHI WA IN-NAA ILAYHI RAAJICUUN.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply