Cuntadda Ilaalisa Caafimaadka Wadnaha Oo Uu Kalluunku Hormood U Yahay

0
731

Cunadu waxay saamayn balaadhan ku leedahay caafimaad qabka wadnaha iyo xididada kale ee jidhka haddii cunada qofku cuno in muddo ah aanay u wanaagsanayn caafimaadka, waxay halis galin kartaa wadnaha.
Noocyada Cunada iyo saamaynta ay ku leeyihiin Wadnaha
Baruurta: cilmi baadhis ayaa sheegaysa in haddii dufanku (lipid) uu ku bato dhiiga ay jirayso halis caafimaad oo aad u sareysa, sida xanuunka ku dhaca xididaha wadnaha (atherosclerosis) dhiigkar iyo wadne istaag.
Subaga sababaya xanuunadan oo dhan wuxuu ku yimaadaa cunada qofku cuno, sida cheese, hilib (red meat) ama saliida cunooyinka lagu kariyo qaarkood, kasoo ay ku badan tahay dufanka loo yaqaano saturated fat. Waxaana aad u wanaagsan in la yareeyo cunida subaga iyo cunooyinka uu ku badan yahay si looga hortago caafimaad-darro soo waajahda wadnaha iyo xididada jidhkaba. Lana badiyo cunida kaluunka ama hilibka cad ee xalaasha ah iyo in cunada lagu karsado saliidda asalkeedu ka yimaado dhirta ama kaluunka.
Cusbada: waa macdan jidhkeenu u baahan yahay, balse haddii ay ka badato cadadkeeda waxay khatar ku tahay caafimaadka wadnaha, waxaana sahlan inuu dhaco dhiigkar, dadka qaba dhiigkar-ka waxaa laga joojiyaa amaba aad looga yareeyaa cusbada, dadka kale ee aan qabin dhiigkar waxaa u wanaagsan inay yareeyaan cadadka cusbada cunada ku jirta.

Leave a Reply