Turjumanka: ’intaasi Wax Ka Badan Ma Turjumi Karo, Waan Daalay’

0
543

Sanadkii  2009 hogaamiyihii hore ee dalka Liibiya Mucamar Al-Qadafi ayaa khudbad adag  oo dheer ka jeediyay Shirkii Golaha Amaanka  ee sanadkaasi. Qadaafi ayaa si weyn ugu dhaliilay qaramada Midoobay isagoo sheegay in go’aanada ka soo baxa qaramada Midoobay ay ka soo hor jeedaan dalkiisa oo ay yihiin kuwo cadaalad daro ku dhisan. Khudbada ayaa qaadatay muddo ka badan 2 saacadood , inkasta oo mudada loo ogolaa ay ahayd 15 daqiiqo keliya. Khudbadaasi dheer ayaa sababtay in ninkii turjumaanka Liibiyaanka ah uu joojiyo turjumadii  isagoo turjumay oo keliya 75 daqiiqo khudbadaasi oo dheerayd iskuna soo noq noqonaysay awgeed. Turjumaanka ayaa ugu danbaystii ku qayliyay Ma karaayo intaasi wax ka badan inaan turjumo jooji!

Leave a Reply