Askariga gaadhka ka ah Qasriga Buckingham ee London ayaa qabta shaqooyinka dunida ugu adag mid ka ah. Askarigan ayaa taagnaada saacado badan isla markaana aan loo ogolayn dhaqdhaqaaq, hadal iyo xataa ilka cadayn.
Waxaad u malaynaysaa markaad aragto in aanu ahayn ba qof nool ee uu yahay sanam meesha la dhigay. Waxa kale oo shaqooyinka adag ka mid ah dadka ilaaliya daayeerada beeraha xayawaanka jooga, kuwaasi oo baabuurta inay ku boodboodaan laga ilaaliyo, shaqaalahan ayaa sheqeeyaa 8 saacadood oo ay wareeg iyo wareer ku jiraan.