Geesiga Caloosha Adag Ayaa Tuuladan Guursada!

0
349

Magaalada ku taalla Hindiya koofurteeda ee Yurigas ayaa dhaqan iyo caado yaab ah leh , taasi oo ah in ninka marka uu guursanayo lama marinayo tijaabo aad u adag oo ninka imtixaankaasi gudba oo keliya uu guursanayo gabadha uu ka codsaday guurka.
Tuuladan marka tijaabadan la qaadayo waxa lagu shidaa dhulka kaynta ah dab, taasi oo ay gabadhu dhibarkiisa sida kaawiyadda u mariso , haddii uu dareemo xanuun una adkaysan waayo dabkaasi gabadhaasi ma aqbalayso inuu guursado, isla markaana waxa  lagu hor fadeexadaynaya dadka hortiisa. Haddi arinku sida kale u dhaco oo uu adkaysto xanuunka dabkaasi waxa laga soo qaadaya ninkaasi geesi ah sidaas ayay gabadhu ku raacaysaa. Magaalooyinka miyiga ah ee dalkaasi waxa kale oo ka  jira  caadooyin iiyo dhaqano iyana yaab leh, waxaana  jirta ah in habeenka aqal galka uu ninka arooska ah ii manayo guriga aroosada oo ka dibna timaha soo jiidiyo  ilaa uu keenayo guriga aroosku ka dhacayo.

Leave a Reply