Wadahadalo xal loogu raadinayo colaada Suuriya

0
305

Xoghayahay arrimaha dibadda Maraykanka, John Kerry, ayaa wadahadalada ka socdo Vienna ee lagu doonayo in lagu soo afjaro colaada Suuriya ku tilmaamay kuwa wax ku ool ah.

Wadahadalada waxaa qayb ka ah Kerry dhigiisa ee waddamada Ruushka, Sucuudiga iyo Turkiga.
Wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka Sergey Lavrov, ayaa ku baaqay in la kordhiyo dadaalka xal siyaasadeed oo lagu dhamaynayo dagaalka Suuriya.
Wuxuu sheegay inay ka mid ahaato xalka wadahadalo buuxa oo u dhaxeeya dowladda iyo mucaaradka. Laakiin ma sheegin mucaaradka ka qaybgalaya wadahadalka.
Maraykanka, Turkiga iyo Sacuudiga waxa ay ka soo horjeedaan weerarka milatari ee uu Ruushka ku taageerayo madaxweyne Assad.

Leave a Reply