DRC iskuulo loo badelay xaruma milateri

0
398

Hay’adda u dooda xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch, ayaa sheegaysa in iskuulo ku yaal Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Koongo loo isticmaalay in lagu qoro carruur loo adeegsado ujeedooyin milateri.

Warbixin cusub ayey hay’addu ku sheegtay in carruurta loo gaysto afduub ama kufsi.
Dagaalka u dhaxeeya ciidammada dowladda iyo kooxaha hubeysan ayaa daba dheereeyay daganaansho la’aanta ka jirta dalkaasi.
Warbixinta ayaa waxa ay ugu baaqday Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Koongo ay ku biirto dadaalada caalamiga ah ee lagu soo afjarayo askareynta carruurta.
Warbixinta ayaa waxa ay diiwaangalinaysaa sida kooxaha hubeysan ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Koongo ay u afduubtaan oo ay xoog askar uga dhigtaan carruur iskuuley ah oo ku sugan gobollada Waqooyi iyo Koonfurta ee Kivu.
Sidoo kale waxa ay ku eedaysay ciidammada dowladda iyo kuwa fallaagadaba in ay iskuulada u isitcmaalaan ujeedooyin milateri, oo ay ka mid tahay tababar iyo in ay hub ku keydsadaan.
Arrintan ayey warbixintu leedahay waxa ay uga sii daraysaa kaabayaashii dhaqaalaha ee markii horaba xumaa ee ay iskuulada ka midka ahaayeen, iyadoo dhibaatada ugu bandanna ay ku keenayso dib u dhac ku yimaada hannaanka waxbarasho ee ardayda.
Warbixinta ayaa waxa ay intaa ku daraysaa in iskuulada loo isticmaalo arrimo milateri ay sidoo kale horseedi karto in dugsiyadu ay bartilmaameed u noqdaan weerrarada ay soo qaadaan cadowga kooxaha deggan halkaasi.
Human Rights Watch ayaa sheegtay in inkastoo dowladda Koongo ay cambaaraysay falalkaasi haddana aanay dejin wax sharci ah oo lagu mamnuucnayo.
Dhowr kooxood oo hubeysan ayaa haatan waxa ay ka howl galaan bariga dalka, iyadoo dadka rayidka ah ay si joogta ah uga cabsdaan dil, afduub iyo tacaddiyo dhanka galmada ah.

Leave a Reply