Bisaddan ayaa markii uu gurigii ay ku dhashay shanta bisadood ee yaryar uu dab qabsaday, iyadoo aan guriga wakhtigaasi ku jirin oo dayrkan joogta maqashay qayladii iyo dhawaaqii. Iyadoo isla markiiba si degdeg ah u abaartay halkii ay joogeen, isla markaana uga daad guraysay midh midh iyadoo afka ku qaadaysay.
Waxa aad loola yaabay sida ay mashquul ugu ahayd badbaadinta caruurteeda. Waxaana bisadda ka muuqda dhaawacyo ka soo gaadhay dabkaasi oo si xoog leh u holcayay, waxa kale oo dadka yaab ku riday markii guriga qiiqii iyo is qabsaday iyadoo haddana abaaraysa meeshii ay ku jireen. Arintaasi ayaan si fiican loo fahmin qaabka ay ku garanaysay goobta iyagoo dadka qaarkood ku sheegay inay dareemaha urinta ka faa’iidaysanaysay kaasi oo ku hagayay goobta ay joogaan dhalaheedu.