Khubarro Ingiriis Ah Oo Sheegay In Tamaandhadu Xanuuno Badan Ka Hortagto

0
484

Khubarada caafimaadka dalkaasi Ingiriiska ayaa sheegay in tamaandhada oo la isticmaalaa ay ka hortagto xanuuno badan oo dadka ku dhacay.
khubaradan ayaa sheegay in tamaandhadu ay ka kooban tahay macdano badan oo kala duwan,kuwaas oo difaaca bani’aadmiga xoojiya,sidoo kalena ka hortaga xanuun badan oo kala duwan.
khubaradan ayaa soo qaatay xanuunka keena Ilawshiiyaha ee loo yaqaano AlZheimers-ka,kaas oo caalamka aad ugu badan,waxaanay khubaradani sheegeen inay ilaa hadda wadaan baadhitaanada ku saabsan baradhada iyo xanuunada ay daweyn karto ,marka laga yimaado inay ka hortagto.
khubaradan caafimaad ayaa intii ay daraasadan wadeen waxay soo baadheen sidoo kalena geedka khudaarta ah ee Kaabashka iyo waxyaala uu faa’ido lee yahay,iyaga oo dhirta kala duwan ee khudrad ahaanta loo cuno doonaayey inay ku sameeyaan baadhitaan.
baadhitaanada dhirtan ayaa intooda badan loo diray Laboratory,kaas oo lagu samaynaayo baadhitaan dheeri ah,waxa kale oo ay tijaabooyin ku sameeyeen dhirtaasi,iyaga oo ku tijaabinaaya Jiirka inta badan loo isticmaalo tijaabooyinka ee Mice ka loo yaqaano.
khubaradan ayaa sheegey in dhirtaasi qaar badan oo kamid ahi ay lee yihiin Unugyada loo yaqaano AtMYB12,kaas oo ka masuul ah waxyaalo kala duwan oo uu kelidii qabto,waxyaalahaasina ay kamid tahay inay ku jirto Protein ay ku jirto maado ka hortagta xanuunadu.
sidoo kalena khubaradan ayaa sheegay in ay ogaadeen in unugyada Tamaandhada lagu talaali karo dhirta inteeda kale,kuwaas oo ku tijaabiyey dhir kala duwan ,sida Cinabka,Beans-ka iyo dhir kale ,waxaanay cadeeyeen inay la fal geli karto,laguna talaali karo.
 

Leave a Reply