Caaqil Beeniyay In Hub Laga Soo Dejiyay Xeebaha Gobolka Sanaag

0
533

Hargeysa (Dawan):  Chief Caaqil Cabdillaahi  Ismaaciil,  oo ka mid ah cuqaasha gobolka Saanag  ayaa beeniyay in hub ka soo degay xeebaha gobolkaasi, waxaanu tilmaamay in arrintaasi tahay dacaayad la buun-buuniyay.
Chief Caaqil Cabdillaahi, oo shalay shir jaraa’id ku qabtay magaaladda Hargaysa, waxa uu yidhi “Waxaa  jirta hadal hayn beryahan danbe suuqa ku jirtay,  oo la leeyahay gobolka Sanaag hub  laga soo dejiyay   wax allaale iyo wax ka jiraana ma jiraan,  waana been abuur,  waana arrin la buun buuniyay. Waxaanu  caddeynayna in aanay arrintaasi waxba ka jirin,  xeebuhuna waa xeebahayagii oo ciidankii  Badda ayaa  jooga oo taliyeyaashii ayaa  jooga.  Waxna kama   jiraan wararkaasi. Waa  war aan sal iyo raadtoona lahayn oo anagaa  soo xaqiijinay,  anagaana  madaxdhaqameedkeedii ah,   anagaana  odayaasheedii  ah,  hadalkaasina waa hadal been ah.”
Chief Caaqil Cabdilaahi  Ismaaciil, oo madaxweynaha ku hambalyayna wasiirrada uu magacaabay waxa uu yidhi  “Waxaan halkan hanbalyo uga dirayaa wasiirradii uu magacaabay madaxweynuhu,  waanu ku mahadsan yahay.   Waananu   kula shaqaynaynaa, waananu  soo dhaweynaynaa haddii aanu nahay reer Ceerigaabo madaxweynaha waanu ku hanbalyaynaynaa. Waxaan intaa   ku dari-lahaa  in xubnihii  xilalka iska casilay   waxaanu leenahay halala xisaabtamo. Wadanka   madaxweynaha ayaanu u igmanay  oo na xukuma.   Waxaananu  leenahay madaxweyne waa in nimanka talaabo laga qaado,  oo lala xisaabtama  haddii ay ceeb ka saliim noqdaana,  umadooda ka mid noqdaan,  haddii kalena sharciga la mariya.”
By: Khadar M. Xaashi
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply