Wasiirkii Ciyaaraha Ee Is-casilay Oo Loo Dhaariyay Xubin Ka Mid Ah Golaha Wakiiladda

0
496

Hargeysa (Dawan):- Xildhibaan cusub ayaa loo dhaariyay in uu ka mid noqdo golaha wakiiladda Somaliland,   ka dib markii uu muddo badan bannaanaa kursi ka mid ah golaha wakiiladda oo uu ka  geeriyooday  Marxuum Maxamed Barkhad Miigane, oo ka mid ahaa Mudanayaashii laga soo doortay gobolka Awdal ee uga soo baxay burburay ee UDUB.
Guddoomiyaha Maxkamadda sare Aadan Xaaji Cali Axmed, ayaa  ku dhaariyay xafiiskiisa  Mudane Axmed Cabdi Kaahin , oo hore u ahaan jiray Wasiirka Ciyaaraha Somaliland, oo buuxiyay xubintii  ka banaaneyd aqalka wakiiladda. Xildhibaankan cusubi  waxa uu ka mid ahaa xubnaha kaydka u ahaa murrashixiintii aqalka wakiiladda  xisbiga UDUB ee gobolka Awdal.
Dhaarinta xildhibaankani waxay ka dhalatay markii Guddida doorashooyinka qaranku ay maxkamadda sare u soo gudbiyeen dalab la xidhiidha in Axmed Cabdi Kaahin, loo dhaariyo xubinimadda wakiiladda ee uu ka geeriyooday Alle ha u naxariistee Prof Maxamed Barkhad Miigane oo horaantii sannadkan ku geeriyooday caasimadda Hargeysa.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply