Xildhibaan Eedo U Soo Jeediyay Xubno Ka Mid ah Hoggaanka KULMIYE

0
467

Hargaysa (Dawan): Xildhibaan C/raxmaan Yuusuf  Cartan oo ka mid ah mudaneyaasha  golaha  Wakiiladda Somaliland ayaa si adag u naqdiyay  xubihii wasiiradda ahaa ee  iska casilay xukuumadda, kuwaasi oo uu ku tilmaamay in ay doonayeen in dhaawac gaadhsiiyaan xukuumadda isla markaana aanay u tudhin qaranimadda.
C/raxmaan Yuusuf  Cartan, waxa uu sheegay in is casilaadii wasiirradaasi aanu dareemin qaranku, isla markaana madaxweyne Siilaanyo uu markiiba si deg-deg ah u buuxiyay jagooyinkii ay baneeyeen xubnahaasi.
Xildhibaan Cartan oo xalay telefoonka  ugu  waramayay   DAWAN,  isagoo ka hadlayay sida uu u arko is casilaadii wasiirradaasi waxa uu yidhi   “Iscasilaadda  wasiirradu arrin meesha qabata may ahany. Sababtu waxa weeyi  waxay ahaayeen niman masuuliyiin ah,  waxaanay  doonayeen in ay  dhaawac  gaadhsiiyaan,   Umayna   tudhin  dawladnimadii.  Markay  sidaa wax u dhaceena madaxweynuhu wuu  hadlay,  waxaanau  sheegay  in  dadku  badan yahay oo ay jiraan dad badan oo kaalintaa  buuxinaya,  tiina wuu ku talaabsaday,  si deg-deg ahna wuu u buuxiyay  xilalkii ay iska casileen wasiiradaasi,  waana arrintii laga filayay oo muujinaysa in  qaranku aanu u dhutiyayn koox iyo qof.”
Xildhibaanku Waxa kale oo uu sheegay in wasiirrada cusub ee uu magacaabay madaxweyne  Axmed Siilaanyo ay ku jiraan aad u qiimo badan, kuwaasi oo uu ku tilmaamay in ay si fiican uga soo bixi doonaan hawlaha qaranka. “Rag  qiime leh ayuu madaxweynuhu magacaabay  oo xilalka ka soo baxaya.  Waxaanan  rejaynayaa in si fiican ay u shaqayn doonaan,  waanay wanaagsan tahay in dadka siyaasadda madaxweynaha ku shaqaynaya  la magacaabo,   oo aanay  noqon dawlad dawlad dul saran.  Manay  wanaagsanayn wasiirro xukuumadda ku wada jira,  oo mid ba qof u olalaynayo” ayuu yidhi xildhibaan Cartan.
 
Dhinaca kale, xildhibaan Cartan waxa uu  ku eedeeyay guddoomiye ku xigeenka 2aad iyo guddoomiye ku xigeenka 3aad ee xisbiga Kulmiye in ay  doonayaan in ay qas  iyo khal-khal ka dhex abuuraan shirka golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye. Kuwaasi oo uu ku tilmaamay  in  aanay xal kale helin oo ay ka wel-welsan yihiin in aanay tiro ku filan ka  haysan golaha dhexe ee Kulmiye, sidaas darteedna ay qorshaynayaan sidii shirka golaha dhexe buuq uga dhex samayn lahaayeen.  Waxaanu  yidhi  “Qaabkan ay u hadlayaan garabkan is casilay iyo labada guddoomiye ku xigeen ee Wabeeye iyo Tayanle,  waxaad moodaa inay doonayaan in ay  fawdo ka abuuraan shirka,  oo aanay xal helin oo ay ka wel-welsan yihiin in aanay tiro ku filan ka  haysan golaha dhexe ee Kulmiye.  Waxaanay  taasi  ku tusaysaa in qoladaasi aanay doonan in ay si habsimi ah uga qayb galaan shirka golaha dhexe ee Kulmiye.  Waxaanay   noqonaysaa in u jeedo kale ay  leeyihiin”.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply