Dad dhufees laga dhigtay dalka Suuriya

0
436

Wararka laga helayo dalka Suuriya waxa ay sheegayaan in mucaaradka ay askarta ay qabsadaan iyo dadka kale ee la socda dowladda ay u adeegsadaan difaac iyo gabaad marka ay iska difaacayaan weerarada uga imaanaya dhanka dowladda Bishar AL-Asad.

Arrintan ayaa waxa ay u muuqataa inay ka dhacday meelaha mucaaradka ay ku xoogga badan yihiin eek u dhow Dimishiq.
Fiidiyow la baahiyay ayaa waxaa ka muuqday rag iyo dumar la qabsaday oo lagu hayo biro dhisan oo shabaq ah.
Dadkaasi waxaa la saaray gaari xamuul ah. ayagoo taagan ayaana lagu soo wareejiyay jidadka ay burburiyeen duqeymaha dowladda.
Mid ka mid ah dadka xabaqa ku xiran oo asigoo hadlaya ka muuqday fiidiyowga waxa uu codsaday in dowladda ay joojiso weeraradan ay deegaanadaasi ku hayso.
Waxa uu sheegay inuu saaran yahay gaari ku sugan duleedka Dimishiq halkaas oo jimcihii ay ku dhinteen ugu yaraan 70 qof kaddib markii meel suuq ah la duqeeyay.
Mucaaradka waxa ay sicad u rajeynayaan in maxaabiista oo la dhibaateeyo ay ciidamada ku kalifeysi inay fikiraan laba jeer ka hor inta aysan duqeyn noocaas ah fulin.
Ololeeyayaasha kormeeraya dagaalka Suuriya waxa ay sheegayaan in horey ay arrintan ugu arkeen dhanka dowladda.
Waxa ay sheegeen in laba magaalo oo dowladda laga taageero oo dhanka waqooyiga ku yaalla maleeshiyaad lagu qabsaday lagu xiray shabaq kaddiblaga la saaray saqafka guri dushiisa si weerarada mucaaradka la isaga difaaco.

Leave a Reply