Kulan Lagu Taageerayay Musharaxnimada Wasiir Xaglo-toosiye Oo Lagu Qabtay Hargeysa

0
361

Hargeysa (Dawan):  Beelaha degga goboladda  Sool,  Sanaag iyo Bariga Burco ayaa kulan balaadhan oo ay isugu yimaadeen waxay iskula qaateen in  ay taageeraan oo ay la dhisaan musharaxnimada Wasiirka Caafimaadka Dr.  Saleebaan Ciise Xaglo-toosiye oo u taagan musharaxnimada jagada Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland oo uu uga tartami doono shirka golaha dhexe Xisbiga KULMIYE.
Beesha Bariga Burco   waxay ballan qaadeen in ay taageerayaan oo ay golaha dhexe ee KULMIYE xubnaha beeshaasi  uga codayn doonaan Dr.  Xaglo-toosiye. Waxaanay  taageeraddii ugu badnayd  abid u muujisay wasiirka wasaaradda Caafimaadka   Xaglo-toosiye.  Xubnaha  golaha dhexe ee xibiga KULMIYE ee ka soo jeeda Beesha Bariga Burco  ayaa shalay ka qabsoontay hudheelka Summer Time ee magaaladda Hargaysa,  Dr. Xaglo-toosiye  Xaflad taageero ah ugu qabtay magaalada Hargeysa.  Waxaanay  ballan qaadeen codka xubnaha ay ku leeyihiin golaha dhex ee Xisbiga KULMIYE.
 
Oday Axmed Sheekh Saalax oo ka mid ah hogaanka dhaqanka ee beelaha Harti ayaa shacabka reer Somaliland ugu baaqay in Dr. Saleebaan Lagu taageero murashaxnimada Madaxweyne ku xigeenka Somaliand.  Waxaanu  tilmaamay haddii la doorto Dr. Xaglo-toosiye in ay xal iyo badbaado u noqonayso Somaliland oo dhan.  Waxaanu  yidhi “Waxaan leeyahay reer Somaliland maanta  nala  dhisa  Musharaxa  Madaxweyne ku xigeenka xisbiga Kulmiye Dr. Saleebaan Ciise Axmed Xaglo-toosiye”.
Chief Caaqil Cali Xirsi oo ka tirsan cuqaasha beelaha bariga Burco oo  isna halkaasi ka hadlay, ayaa si  buuxda u ballan qaaday in beel  ahaan ay hiil iyo hooba la garab istaagayaan  murashax  Dr. Saleebaan, isla markaana ay madaxdhaqameed ahaan dedaal dheeraad ah gelin doonaan sidii beesha oo dhan ay u taageeri lahayd una dhisi lahayd murashaxa   Dr. Saleebaan Ciise Axmed. Sidoo kale, waxaa  isna halkaasi ka hadlay siyaasi Maxamed Saleebaan Weyne  oo hore wasiir uga ahaa xukuumaddii hore, waxaanu yidhi “Dr. Saleebaan wuxuu horseed u yahay midnimada Somaliland, walaalaynta shacabka Somaliland, wuxuu horseed u yahay xaqsoorka gobolada Somalilnd.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply