Sababaha Aysan Qiime Dhimista Hoose U Wanaagsanayn Mar Kasta

0
577

Marka Iibsiga suuqu yaraado, tar-tar ka suuquna uu aad u kacsan yahay isla markaana aad doonayso wadiiqo aad u soo jiidato macaamiisha si ay wax kaaga gataan, Hadii qiime dhimis aad u hosaysa aad ku samayso badeeca daada, waxaa dhici karta in aad helin macaamiishii aad u baahnayd sababahan soo socda awgood.
1. Qiima dhimista aad u samaysay macaamiisha ayaa ah mid ay ka heli karaan ganacsiyada kale ee kugula tar-tamaya suuqa, mana ahan wax isbadal weyn keeni kara qiima dhimis taadu.
2. Maxaa ka reebi kara in Ganacsiyada kale ee kugula tat-tamaya suuqa ay iyana hoos u dhigaan qiimaha mid lamid ah tan adigu aad samaysay? Hadii sidaa ay dhacdo, waxaa suurto gal ah in aad iibiso tiro badeeco lamid ah tan iyagu ay iibiyaan oo kale ama ka yar inta ay iibiyaan.
3. Marka macaamilaka aad u samayso qiime dhimis hoose , waxaa kugu abuurmaya hindise ah in caqabad kasta aad uga gudbi karto hoos u dhigida badeeca daada taas oo waxyeelo dambe ku yeelan karta ganacsi gaaga.
4. Macaamiishu waxa ay ku saleeyaan waxtarka badeecada ay gataan qiimaha ay ka bixiyaan, taas oo hadii qiimahaagu aad u heeseeyo sidoo kale yaraynaysa waxtar ka ay ka rajaynayaan badeecadaada.
5. Qiimaha hoose waxa uu soo jiitaa macaamiisha jeebka yar, kuwaa oo kugula gorgortamaya wax kasta in aad ka siiso qiime hoose.
6. Waxa aad ka samaynaysaa lacag yar badeecadaada taas oo ah in uu hoos u dhacayo daqliga soo galaya ganacsi gaaga si uu u koro. Hadii ganacsi gaagu uusan samaynayn lacag waxa aad ka baxaysaa suuqa.
7. Hadii macaamiisha qaar aad qiime hoose kasiiso badeecadaada waxa ay waxyeelo iyo sharaf dhac I keenaysaa ganacsigaaga sababta oo ah macaamiisha aad kaga iibisay qiime sareeya kahor inta aadan samayn qiime dhimista.
8. Macaamiishaadu waa in aysan noqon kuwo eega qiimaha oo kaliya, laakiin faa’idada ama natiijada kaga imaanaysaa badeecadaada guud marka ay wax kaa gataan.
Xigasho: Qormo uu qoray Abdiqaadir Aaadan
 

Leave a Reply