Tobaneeya qof oo S.Sudan ugu dhimatay shil diyaaradeed

0
300

Faahfaahin dheeraad ah ayaa waxa ay ka soo baxaysaa diyaarad nooca xamuulka qaadda oo uu Ruushka sameeyay oo burburtay waxyar un kaddib markii ay ka duushay gagida diyaaradaha ee caasimadda South Sudan ee Juba.

Diyaaradda ayaa waxa ay ku dul dhacday guryo ku yaal daanta bari ee webiga Niil.
Wararka ayaa sheegaya in in ka badan 20 qof ay dhinteen, iyadoo qaar ka mid ah dadka halkaasi ku dhintay loo malaynayo in ay yihiin dad ku sugnaa meesha ay diyaaradda ku dhacday.
Diyaaradan Antonov oo ah nooca xamuulka qaada oo uu Ruushka sameeyay ayaa waxa ay siday rakaab ka hor intaanay ku burburin meel hal kilo mitir un u jirta gagida diyaaraha ee Juba.
Waxaa caadi ka ah South Sudan in diyaarad xamuul ay qaado rakaab.
Sawirro laga soo qaaday goobta ay diyaaradda ku dhacday ayaa muujinaya burbur, iyadoo qeyb ka mid ah diyaaradana ay ku kala firdheen dhinacyada webiga Niil.
Wakaaladda Wararka ee AFP ayaa sheegtay in booliska ay burburka hoostiisa ka soo saareen maydadka rag, haween iyo carruur, xilli dad fara badan ay halkaa isugu soo aruureen.
Afhayeenka madaxtooyada South Sudan, Ateny Wek Ateny ayaa sheegay in diyaaraddu ay u socotay ceelasha shidaalka ee Paloch ee waqooyiga dalka.
Waxa uu intaa ku daray in markii laga soo tago rakaabkii saarnaa diyaaradda ee halkaasi ku dhintay, hadana tiro aanan la garanayn oo dad ah oo ku sugnaa goobta ay sidoo kale halkaasi ku dhinteen.

Leave a Reply