Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Hargeysa Ka Furay Shirka Ilaalinta Deegaanka Dabiiciga Ah Ee Geeska Afrika

0
292

Hargeysa (Dawan)- Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa shalay si rasmi ah uga furay magaalada Hargeysa shir ku saabsan ilaalinta deegaanka Geeska Afrika, shirkaasi oo ay ka soo qeyb galeen wufuud ka kala socotay wadamada Barriga Afrika qaarkood iyo khubarro caalami ah.
Madaxweyne ku xigeenka Somalilalnd,  ayaa hadal ka jeediyay shirkaasi, waxaanu sheegay in ay sharaf weyn u tahay  in shirkani ka qabsoomo Somaliland, waxaana uu tilmaamay in ka xukuumad ahaan ay ka qayb-qaadan doonaan wixii ku saabsan deegaanka, waxaanu  yidhi “Waxa sharaf innoo ah in aan ka soo qeyb-galno shirkan lagaga hadlayo deegaanka geeska Afrika oo ay ka mid yihiin dhammaan wadamada Itoobiya, Suudaan South Suuudan, Kenya, Jabuuti Somalia iyo Somaliland.”
Mudane Cabdiraxmaan Saylici waxa kale oo uu intaa ku daray “Waxaan leeyahay ku soo dhawaada wadanka Somaliland ee aad martida u tihiin, waxa kale oo aan u mahad-naqayaa ururka Barwaaqo ee deegaanka ee geeska Afrika iyo wasaarada deegaanka ee soo qaban-qaabiyay Shirkan caalamiga ah ee qiimaha badan.”
Madaxweyne ku xigeenka Somalialnd waxa kale oo uu yidhi “Waxa aan idiku soo dhaweyayaa dhammaantiin shirweynaha deegaanka ee geeska Afrika taas oo ah markii u horaysay inuu ka qabsoomo wadanka Somaliland, sharaf weyn ayay noo tahay in shirkani ka dhaco wadanka. Sidaa darteed waxa aan idiin balan-qaadaynaa in aan idiin la garab taaganahay dhammaan dedaalada aad wadaan ee ku saabsan arrimaha deegaanka.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply