Wasiirka Cusub Ee Wasaaradda Qorshaynta Oo Xilkii La Wareegay

0
285

Hargeysa (Dawan):  Wasiirka  cusub ee wasaaradda Qorshaynta Qaranka Somaliland Mudane Cali Xuseen Ismaaciil Jirde (Cali Shoombe) ayaa shalay si rasmi ah xilka ugala wareegay wasiirkii hore ee wasaaraddaasi Dr. Sacad Cali Shire, oo haatan ah wasiirka arrimaha dibadda. Munaasabadda ay xilalka kul  kala wareegeen labadan  wasiir oo  lagu qabtay Huteelka Maansoor ee magaaladda Hargeysa, waxaa  ka soo qaybgalay masuuliyiin ka socday  golaha  wasiirrada,  Barlamaanka, Hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah, masuuliyiinta iyo shaqaalaha wasaaradda qorshaynta iyo marti sharaf kale.
 
Wasiirkii hore wasaaradda  Qorshaynta  Dr. Sacad Cali  Shirre, oo hadal ka jeediyay xafladaasi uu xilka ku wareejinayay ayaa ka waramay  maraaxilkii  kala  duwana ee ay  wasaaraddu soo martay mudadii shanta sanno ahayd ee uu xilka wasaaradaasi  hayey.Waxaanu  yidhi “Wasaaradda Qorshaynta waxay ka koobnayd saddex  waxood oo kala ahaa Waaxda maamulka, Waaxda Qorshaynta iyo Waaxda Xogta, intii ka danbaysay 2010-kii Wasaaradda waxa lagu daray  laba waxood oo kala ah waaxdda Isu-duwida iyo Waaxdda  horumarinta. Sidoo kale waxa la dhamaystiray dhismihii  wakhtigaas  oo badhtamaha marayay,  iyadoo hadda uu dhamaad ku dhawyahay dhisme kale oo cusub oo saddex dabaq ah, kaasi oo lagu soo kordhiyey dhismihii hore ee Wasaaradda.
Wasaaraddu  waxay  xafiisyo qalabaysan ku leedahay dhamaanba  lixdii gobol ee hore, iyadoo loo magacaabay ilaa todoba isku-duwe, goboladdii hore iyo kuwa dambeba”.
 
 
Dr. Sacad  waxa  uu intaas  raaciyay “Shaqaalaha ka hawlgala  wasaaradda ayaa hada tiradoodu ay dhan tahay 127 shaqaale ah oo u badan dhalinyaro haysata Shahaadada Jaamacadaha, qaarkood ayaa soo dhamaystay fursado Waxbarasho oo ay wasaaradu dibada ugu dirtay.”
 
Waxa kale oo uu ka    waramay waxyaabaha  cusub ee wasaaradda  lagu soo kordhiyay  muddadii uu xilka hayay waxaanu yidhi “Waxyaabaha lagu soo kordhiyey Wasaaradda wax ka mid ah  goobta lagu kaydiyo Buugaagta (Library), Hoolka shirarka oo leh qalabka muuqaalka lagu wada hadlo ee (Video Conference), Xafiiska Xidhiidhka Dadweynaha (Communication) oo leh qayb Istuudiyow loogu talagalay diyaarinta documentary-yada, qaybta IT-da, waxaana la sameeyey laba Website oo midna uu yahay ka Wasaaradda midna lagu kaydiyo xogta Somaliland.
Sidoo kale Qol loogu talagay in lagu sameeyo Maababka oo qalabkiisi yaalo iyo qol loogu talagalay Serfarada ayaa iyana lagu soo kordhiyey. Qalabka Iskaanka ee la mariyo dadka si amaanka loo sugo ayaa isna ka mida.”
Dr. Sacad Cali Shire waxa kale oo uu sheegay in la hirgaliyey muddadii uu xilka hayay waxyaabo door ah oo ay ka mid yihiin “Qorshaha Aragtida Qaranka ee 2030, Qorshaha shanta sano Qaranka ee 2010-2016 iyo Waxa sidoo kale la hirgaliyey Qorshaha Qaranka ee 2013 ilaa 2016, Waxa la sameeyay sahamo iyo cilmi baadhis lagu soo saarayo Xogaha ku saabsan tiro-koobka dadka iyo Wax soo saarka guud ee dalka.
Waxa la diiwaangaliyey in ka badan 564 haa’yadood oo iskugu jira kuwa caalamiya iyo kuwo Waddaniga ah, sidoo kale waxa la qabtay shirar caalamiya iyo kuwo maxaliyaba. Barnaamijyada kale ee ay Wasaaraddu ka qayb qaadatay waxa ka mid ah Mashruuca SDF ee ay maalgaliyaan Wadamadda Ingiriiska, Norway, Denmarka iyo Holland oo wax ka taray, xaga Wadooyinka, Biyaha, Beeraha, Kaluunka iyo Deegaanka, sidoo kale waxay Wasaaraddu qayb ka qaadatay dib u habaynta Sharciyada lagu maareeyo Nidaamka shaqaalaha, Sharciyada lagu maareeyo Miisaaniyadda iyo horumarinta qaybta gaarka loo yaqaano (private sector) waxa kale oo ay qayb ka qaadatay Maalgalinta Dekedda Berbera iyo jidka Berbera iyo Wajaale (Berbera Corridor)” ayuu Dr Sacad Cali Shire, waxaanu intaa ku daray “Mudane Sacad Cali Shire waxa uu intaa ku daray “Waxay Wasaaraddu xidhiidho dhaw la yeelatay Hay’ada DIFID DANINA World Banka, Bangiga Africa iyo Hay’ado fara badan oo aduunka ah.”
 
Wasiir Sacad waxa uu kula dardaarmay wasiirka cusub ee wasaaradda qorsheynta in uu wakhtigiisa siiyo shaqada wasaaradda ka socota kana fogaado cid  jeclaysi.
 
Waxaana  uu yidhi “waxa aan kugula  dardaarmayaa wasiirka inuu sugo cadaaladda kana fogaado qabyaaladda, inuu inta badan wakhtigiisa siiyo shaqada wasaaradda ka socota ee aanu ku mashquulin siyaasadda, inuu wada shaqayn la yeesho hayadaha ajanabiga ah oo uu raaco sharciga dalka u yaala, lana socdo qorshayaasha wasaaradda iyo qarankaba halkaana ka sii wado, wada shaqaynta wasaarada ka dhexaysa wasaaradaha kale, kana war hayo shaqaalaha wasaaradda hoosna u eego.”
Sidoo kale Wasiirka cusub ee wasaaradda qorshaynta qaranka Mudane Cali Xuseen Ismaaciil Jirde (cali-shiimbe), oo isna halkaasi ka hadlay ayaa balanqaaday in uu si daacad ah u gudan doono shaqada qaranka ee loo xilsaaray.  Waxaanu  yidhi  “waxa aan u balanqaadayaa qaranka Somaliland iyo shacbiga in aan shaqadaas u qabto si daacada. Waxa kale oo aan u balanqaadayaa shaqaalaha wasaaradda qorshaynta in aan kula shaqeeyo sinaan iyo cadaalad, waxaana garab socda la xisaabtan, waayo hadii aan la xisaabtan jirin cadaaladi ma jirayso, marka la xisaabtamo ayaa qofkii shaqaystay iyo qofkii aan shaqaysan la kala saari karaa, waana idiin balanqaadayaa.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply