Madaxweyne Siilaanyo Oo Madaxtooyadda Ka Hoos Saaray Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka

0
270

Hargeysa(Dawan):-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa shalay digreeto madaxweyne oo uu soo saaray waxa uu wakaaladda waddooyinka Somaliland ka hoos-saaray wasaaradda Madaxtooyadda. Waxaanu dib ugu celiyay wasaaradda Hawlaha guud iyo guriyaynta.
Sidaasna waxa lagu bayaamiyay war-saxaafadeed uu soo saaray afhayeenka madaxtooyadda Somaliland Md. Xuseen Aadan Cigge (Xuseen Deyr), waxaanu u dhignaa sidan:-“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo waxa uu xeer madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-3673/112015 ku wareejiyey Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka oo hore u hoos Iman jirtay Madaxtooyada.
Madaxweynuhu:-Markuu Arkay:Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
Markuu Arkay:  Faqradda 2aad ee Xeer Madaxweyne Lr. 0273/102012 ee ku taariikhaysan 01/10/2012, oo Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka lagu hoos geeyey Wasaaradda Madaxtooyada;
Markuu Tixgeliyey:Ahmiyadda weyn ee Horumarinta Waddooyinku ugu fadhiyaan koboca dhaqaalaha Dalka.
Markuu Tixgeliyey:Tallada Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada iyo cidda ay khusayso;
Markuu Dersay:                Baahida loo qabo in Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka oo hoos iman jirtay Wasaaradda Madaxtooyada la hoos geeyo Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Gaadiidka maadaama Xeerka Horumarinta Waddooyinka loo gudbiyey Baarlamaanka isla markaana wax badan ka qabsoomeen horumarinta waddooyinka;
Markuu Garawsaday:Inay tahay xilli ku habboon in loo wareejiyo Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka, Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Gaadiidka.
Wuxuu Soo Saaray:In laga bilaabo taariikhda Xeerkan, ay Wakaaladda Horumarinta Waddooyinka oo hoos iman jirtay Wasaaradda Madaxtooyada lagu wareejiyo Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Gaadiidka ee Jamhuuriyadda Somaliland.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply