Wasiirka Cusub Ee Duulista Oo Xilka Kula Wareegay Xaflad Martideedu Badnayd

0
314

Hargeysa-(Dawan):– Wasiirka Madaxtooyadda ee cusub Maxamuud Xaashi Cabdi, ayaa  ku dhaartay in xilkii Wasiirka Duulista ee uu shalay wareejiyay aanay ka raacaynin  hal taako oo dhul ah oo uu leeyahay.
Sidaasna waxa uu ka sheegay xafladii uu xilkii wasaaradda Duulista ku wareejinayay Wasiirka cusub Cismaan Cabdilaahi Saxardiid oo lagu qabtay Huteelka Ambassador ee Magaaladda Hargeysa. Xafladaas waxa ka soo Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, Wasiirka Arrimaha gudaha Cali Maxamed Waran-cadde, Wasiirka Cadaaladda, Wasiirkii Maaliyadda ee Xukuumaddii hore Xuseen Cali Ducaale (Cawil), Agaasimaha guud ee Wasaaradda Duulista Cumar-sayid, Wasiir ku-xigeenka Duulista, Madax-dhaqameed, Culimo-u-diin iyo Marti sharaf kale oo tiro badan.
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Somaliland Mr. Cumar-Sayid oo ugu horeyn halkaa ka hadlay, ayaa  sheegay in Wasiirkii hore ee Duulista ee xilka wareejiyey uu Shantii sanadood iyo dheeraadkii uu xilka hayey uu wax badan ka qabtay Wasaaradda duulista iyo gaadiidka Cirka Somaliland isla-markaana ay adag tahay in qof kartidiisa oo kale leh la helo, waxaanu yidhi, “Shantii Sannadood iyo badhkii uu Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi nala shaqeynayey waxaan u qirayaa inuu ahaa Wasiir Karti badan oo ay yar tahay in dhiggiisa oo kale la helo.”
Agaasimaha oo sii hadlaya ayaa soo dhaweeyay Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Duulista Caddaani, “Waxaan soo dhaweynayaa Wasiirka Cusub Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Caddaani) oo aan leeyahay waad nasiib badan tahay, waayo ? waxaad ku soo beegantay Wasaarad horumartay oo leh shaqaale isku xidhan oo hawsha wadaya oo odeynimo iyo inaad hiigsi cusub u samayso. Waxaan rajeynayaa inaad halkaa Wasiirka hore dhigay inaad ka sii qaaddo.”ayuu yidhi, Agaasimaha guud ee Wasaaradda Duulista Somaliland.
 
Wasiirkii Maaliyadda ee Xukuumaddii hore  Xuseen Cali Ducaale (Cawil) oo ka mid ahaa martidii Xafladda ayaa amaanay Xafladda waxaanu tilmaamay inay muhiim tahay in qofka xil loo dhiibo loo duceeyo, “Halkan waxa ka dhacday Xaflad ballaadhan oo dad badan ka qayb-galeen oo ay xilka kula kala wareegayaan Wasiirkii duulista iyo Wasiirka cusub ee Duulista, tani waxay muujinaysaa oo markhaati ka tahay shacbiyadda labada Wasiir leeyihiin.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray, “Qofka maanta xil loo dhiibo in loo duceeyo ayuu u baahan yahay, Waayo ? xilku culayska uu leeyahay ayaan garanayaa oo dadkeenu kursiga ma jecla, qofka ay dadka ugu jecel yihiin marka kursiga lagu fadhiisiyo ayay qaylo ku dhuftaan, waayo ? qofka ma necba ee kursiga ayay neceb yihiin. Markaan Wasiirka ahaa dadkii Salaanta ila dhaafi jiray imika ilama dhaafaan. Wasiirrada waxaan kula dardaarmayaa haddii wax laga sheego inay ogaadaan inaan iyaga loo jeedin ee Kursiga loo jeedo.”
Mr.  Cawil  oo hadalkiisa sii watay waxa uu intaas ku kabay  “Wasiir Caddaani iyo Wasiir Maxamuud oo xil culus loo dhiibay waxaan u rajeynayaa inuu ILLAAHAY u fududeeyo oo uu ku asturo, ummaddana si hufan oo dulqaad leh ugu adeegaan.” Ayuu yidhi, isagoo ku kaftamay in markii uu ahaa Wasiirka Maaliyadda marka wax laga sheego uu kursiga dib u eegi jiray maadaama buu yidhi dadku kursiga neceb yihiin ee aanay qofka necbayn.”
 
Guddoomiyaha Xisbul-xaakimka KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi oo isaguna Munaasibadda ka jeediyay hadal kooban oo ku taxaqulay xaaladda dalka iyo arrimo kale ayaa waxa uu yidhi, “Xafladdani waxay muujinaysaa mid ay Somaliland kaga duwan tahay Soomaaliya, ka sakow innaga oo ah dawladdaa 24-ka sanadood dhisnayd ee Caalamku indhaha la lalinayey, waayo ? waxa ka hadlay Cawil Cali Ducaale oo 8 sanadood ee KULMIYE Mucaaradka ahaa Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumaddii (Rayaale) wixii soo kala maray KULMIYE-na la ogaa, ayaa haddana Maanta soo dhaweynaya Caddaani oo Wasiir ah, taasi waa dun wanaagga reer Somaliland, waa dun wanaagga Siyaasadda Somaliland. Gobollada agteena waxaan filayaa in laba nin oo waxaasi soo kala mareen in aanay sidaa yeeli karaan, taasina waa waxa innagu dhiiri-gelinaya in Somaliland noqoto Qaran ka mid ah Caalamka oo laga Qadariyo Qaramada Midoobay.”
 
Cali Maxamed Waran-cadde, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland, ayaa isaguna tilmaamay in Xafladdani ka mid tahay guulaha Somaliland gaadhay ka dib xoreyntii dalka, “Xafladdan Qurux badan ee ay xilka kula kala wareegayaaa Wasiir Caddaani iyo Wasiir Maxamuud Xaashi waxay ka mid tahay guulaha ay gaadhay Somalilandta dambe aynu dhallnay.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey, “Turunturooyinka dalkani ma yara oo weli way socotaa, iyada oo daciifa ayay ina garab socotaa, markaa waxaanan filayaa in dibin-daabyada ina garab socotaa ee cadowgeennu hadduu caddaan yahay iyo hadduu Madow yahayba ay wadaan innaga hadhi doonto markaynu geedi kale guurno.”
 
Sheekh Maxamed Cali Geeddi, oo ku hadlayey guddigii xaafadda Masalaha ee Wasaaradda Duulista kala shaqeeyay Xayndaabka Madaarka Hargeysa, ayaa isaguna yidhi, “Waddanka nin kastaa wax u soo qabtay wuu ku amaanan yahay ama ha yaraado ama ha waynaado’e, dadka xukaamta ahna waa loo duceeyaa ee lama habaaro, waayo ? xitaa hadduu Daalim yahay oo aad habaarto innaga ayuun buu innagu dhacayaa markaa waa loo duceeyaa oo waa loo nasteexeeyaa qofka xilka haya.”
 
Sheekh Maxamed Cali Geeddi, waxa kale oo uu tilmaamay, “Waxaan aad ugu mahad-naqayaa Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi oo Runtii Madaarka meel aad u fiican soo gaadhsiiyey oo horumar buu gaadhsiiyey ee ILLAAHAY haka abaal-mariyo, waxaan soo dhaweynayaa Wasiir Caddaani oo Wasaaradda Duulista loo soo Magacaabay waanuna la shaqeynayn doonaa haddii Alle yidhaahdo. Madaarku wuxuu u baahan yahay in la sii ballaadhiyo, waxaan rajeynayaa in Wasiir Caddaani hawshaa qaban doono.” Ayuu yidhi.
 
Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi oo isaguna Xafladda ka jeediyay hadal dheer  oo uu kaga waramay Hawlaha u suurto-galay muddadii uu xilka Wasaaradda Duulista hayey, ayaa hadalkiisa ku bilaabay, “Farxad weyn bay ii tahay in maanta Masuuliyaddii Madaxweyne Siilaanyo ii igmaday ee Wasaaradda Duulista oo muddo shan sano iyo dheeraad ah aan hayey oo aan noqday Wasiirkii ugu cimriga dheeraa Wasaaradda Sooyaalka Taariikhda Somaliland, inaan ku wareejiyo Saaxiibkay Caddaanni. Saaxiibkay Cali Waran-cadde ayaannu isku dhadhawnahay, shan sano ayuu Cali ahaa Wasiir oo isaguna Wasaaradda joogay. Wasaaraddan waxa soo maray intaan xasuusnahay illaa toddoba Wasiir baa iska beddelay oo aan anigu malaha u dambeeyo illaa 1996/1997-kiii, wakhtigii hore waxay ahayd qayb ka tirsan Wasaaradda Hawlaha Guud, markaa intii Wasaaradda Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka gaar looga dhigay toddoba Wasiir baa soo maray, aniga iyo Cali baa ugu muddo dheerayn oo muddo toban sano iyo dheeraad ah joognay.”
 
Wasiir Maxamuud Xaashi oo sii hadlaya ayaa sheegay, “Qarannimadu waa Guri la soo dhiso, Nin Seeskuu ka bilaabaa, nin wax buu ku soo daraa, nin Daaqaduhuu soo gaadhaa, illaa Ruufka la saaro. Xaqiiqdii cid kasta oo soo martay Wasaaraddaas wax bay ku tartay, ma jiro qof waxma-tare ahi sidiisa-ba. Dadka Cilmiga Bina-aadamka ku takhahkusay waxay yidhaahdaan Bina-aadam madhani ma jiro, qofba wax buu ku fiican yahay, haddii qofku meel ku xumaado waxa laga yaabaa inaan la dhigin meeshii ku munaasibka ahayd, waxa laga yaabaa, oo jira qof aan waxbarashada iyo aqoonta ku fiicnayn oo Askarinnimada ku fiican, waabay dhacday taariikhda Bina-aadamka oo ninkii dunida gilgilay daagaalladii koowaad iyo labaad ee Hiltar la odhan jiray, waxa uu ahaa nin bahalluul ku ah (aan ku fiicnayn) waxbarashada oo aad ugu hooseeya, Cheker-na sidaas oo kale ayuu ahaa, waa labadii nin ee wakhtigaa dunida ugu awoodda waynaa.
Markaa, runtii waxaan qirayaa Raggaa iga wada horreeyey dhammaantood inay wax ka soo qabteen Wasaaraddan, sidaa uu Ambassador Cawil sheegayeyna gobannimada waxaa ka mid ah taariikhda lagama been-sheego, qof waliba wixii uu qabto taariikhda ayey ku qoran tahay, xafiiltanka Siyaasadda iyo xagtimeheedu waa maalmo kooban, way dhammaadaan. Laakiin, taariikhdu ma guurto, Bile Rafle Guuleed xilliguu Badhasaabka ahaa Hargeysa wixii uu ka qabtay Burco iyo dhulka kale ee Somaliland ee Soomaaliya ka mid ahaa markaa maanta waa la ogyahay, waddaduu dhisay iyo meeshuu wax ka qabtay si kasta oo siyaasadda loogu colloobay ama lagu kala tegay lama dafiri doono.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey, “Xukuumaduhu way isu faanaan, laakiin cid leh waxba lama qaban waa eray gef ah kaasi. Xukuumaddan aannu aniga iyo Caddaani-ba oo maanta xilka la kala wareegaya ee Xisbiga KULMIYE ballamo ayaannu waddanka u qaadnay inaannu is-beddel ku samayno waddanka, inaannu horumar ku soo kordhinno. Is-beddelku xanuun weyn buu leeyahay, wax sahlan maaha, anigu meesiga la ii dhiibay markaan ka soo qaado xanuun weyn buu leeyahay is-beddelkiisu. Markaa, Runtii is-beddel wayn baannu ku samaynay Wasaaradda, Rag waawayn oo Magaca Somaliland aad kor ugu soo qaaday baannu keennay. Wasaaraddan aan masuulka ka ahaa sidaa Agaasimuhu sheegay maaha Wasaarad yar marka loo eego Wasaaradaha kale,
Wasaarad meel walba saamayn ku leh maaha. Hase-yeeshee, waxa weeye Wasaarad  dhinaca nolosha bulshada muhiim ka ah, waayo? Waxay ka adeegtaa adeegga Cirka iyo Garoommada diyaaradaha ayay Masuul ka tahay, tartan baa bina-aadamka ka dhexeeya, dawladaha dunida iyo kuwa jaarkuba way tartamayaan, waxaa lagu tartamayaa Badda, Berriga, Cirka iyo Dhaqaalaha. Itoobiya, Jabuuti, Kenya iyo Soomaaliya, waa dalal jaar ah oo walaalo ah oo aan cadaawadi ka dhaxaynin, laakiin haddana tartan baa innaga dhexeeya oo waxaynu ku tartamaynaa Badda Dekedda Berbera oo aynu doonaynaa inaynu kula tartanno dhiggeenna, Garoommada diyaaraduhu waa sidoo kale. Waxaannu ka shaqaynaynay waxay ahayd in qofku isagoon daallanayn oo Diyaarad wayn oo Jet ah la socda uu Berbera iyo Hargeysa ka soo dego, waxaannu doonaynay inay halkani noqoto meel ay Dalxiisayaashu yimaaddaan, Allaah mahaddii wax badan baa noo qabsoomay.”
 
Wasiir Maxamuud Xaashi waxa uu sheegay in caqabadaha soo maray muddada ay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo xilka haysay ay ka mid ahaayeen in la dafiro is-beddelka iyo horumarka ay ka sameeyeen Garoonka Diyaaradaha Cigaal ee magaalada Hargeysa, isla markaana waxa uu sheegay in xilka qofku yimaaddo kana tago ama laga qaado ama laga beddelo, laakiin horumarka Masuulku muddada uu joogo ku tallaabsaday raacaynin ee uu taariikhda wax ku jira noqonayo.
 
Waxa uu ka sheekeeyey Maxamuud Xaashi in horumar fiican lagu sameeyey Madaarrada Berbera iyo Hargeysa, aadna uu ugu faraxsan yahay inuu Wasiirka Caddaani oo ay saaxiib yihiin uu u arko Masuulkii ugu mudnaa ee uu ku wareejin lahaa Wasaaraddaas. “Markaad Run-way dhisato (dhabbaha diyaaraduhu ku cararaan) ee aad diyaarado waawayn u yeedhato waa inaad samaysataa oo lahaataa dhismayaashii dadku kuu fadhiisan lahaayeen, markaa Garoommada Dhismayaal baa lagu daray.” ayuu yidhi Wasiir Maxamuud Xaashi. Waxaanu mar uu dhinaca ammaanka Madaarrada ka hadlayey waxa uu sheegay in Garoonnada marka la qiimeeyo Shahaadooyin la siiyo, ammaankuna leeyahay hannaan caalami ah oo la maro.
 
Waxaanu Wasiir Maxamuud Xaashi oo arrintaas ka hadlayaa yidhi; “Garoonkeennu maanta waxa uu buuxiyey qaabkiisa Baadhitaanka amniga iyo sugidda amniga Madaarka Hargeysa waxa uu buuxiyey heerkii qiimaynta caalamiga ah, waxa uu ka horreeyaa waddamo badan oo la aqoonsan yahay, maaha buunbuunin iyo been iyo faan maaha, laakiin waa wax dunida cidda wax qiimaysaa ogyahay.”
 
Sidoo kale, Wasiirkii hore ee Duulista ahna Wasiirka Madaxtooyada waxa uu intaas ku daray in Xayndaabyo Taar ah lagu sameeyey Madaarrada Hargeysa, Berbera iyo Burco, hawshaas oo uu ku tilmaamay Wasiir Xaashi inaanay ahayn mid sahlan, maaddaama oo dhul dad lahaa loo qaaday dan guud, sidoo kalena aan hawsha baaxaddaas leh khasaare ka dhashay oo dhimasho, dhaawac iyo khasaare kale toona ka dhalan, waxaanu u mahad-celiyey Wasiirku Bulshada ku deeqday Dhulka la dayray ee Garoonka Hargeysa iyo Garoonka Burco oo uu sheegay inay waddaniyad muujiyeen, isla markaana aanay dawladdu siinnini wax ay xaq ugu lahaayeen oo beddel ah. Waxa uu ku dardaaray Wasiirka cusub ee Duulista in sidii dadkaa dhulka ugu deeqay garoommada ay isaga iyo Masuuliyiin kale kala shaqayn doonaan sidii dadkaas beddel loo siin lahaa, mar hadday waddaniyad muujiyeen, hawshaasna ay geli doonaan marka shirka Golaha dhexe ee KULMIYE dhammaado.
 
Waxa uu sheegay Maxamuud Xaashi in Shirkadaha Diyaaradaha ee Itoobiyan Airlines, Turkish Airways, Flay Dubai iyo Diyaarado kale ay ka dalbanayaan in mid walba loo kordhiyo duullimaadyada ay ku yimaaddaan garoonka diyaaradaha Hargeysa oo uu sheegay inuu buumin yahay. Waxa kale oo uu sheegay Wasiir Xaashi inaanu Shilin lacag ah kala tagaynin Wasaaraddaas. “Waxaan leeyahay waar waa la is-xantaaye waxba igama raacin, beentay maaha haddaan caawa dhaarto oo saddexda Magac ee Illaahay ku dhaarto taako dhul ahina igama raacin intaa la leeyahay dhul baa la kala gooyey taako igama raacin.” Sidaa ayuu yidhi Maxamuud Xaashi Cabdi.
 
Gabogabadii Munaasibadda waxa hadal kooban ka soo jeediyay Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Duulista Somaliland Cismaan Cabdillaahi Saxar-diid (Caddaani), waxaanu yidhi, “Wasaaradda aan kala wareegayo Wasiir Maxamuud Xaashi waa Wasaarad uu dhisay hadday tayo tahay iyo hadday tiro tahayba, qalab ahaan iyo dad ahaanba, markaa aad iyo aad baan ugu faraxsanahay Wasaaradda Duulista ee Maxamuud uu juhdiga badan galiyey, waxaanan u arkaa inay tahay Wasaaradaha ugu waaweyn dalka marka aad eegto tirada dadka iyo tayada iyo halkay Somaliland kaga jirto.”
 
Wasiirka oo sii hadlaya ayaa sheegay, “Qorshihii ay dhigeen Maxamuud Xaashi iyo shaqaalaha Wasaaradda Duulista ayaan ka shidaal qaadanayaa oo aan ka talo qaadanayaa, Runtiina Maxamuud Xaashi waan la tashan doonaa halkii uu dhigayna waan ka sii qaadi doonaa.”ayuu yidhi.
Dawannews Hargeysa office
 
 
 

Leave a Reply