Maxamed Kaahin Oo u Jawaabay Saddexdii Murrashax Ku Qaadacay Ka Qeyb-galka Shirka Golaha Dhexe Ee KULMIYE

0
381

Hargeysa (Dawan)- Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga Kulmye  Maxamad Kaahin Axmed ayaa jawaab ka bixiyay hadallo ka soo yeedhay garabka isbahaysiga musharixiinta golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye ee  ku dhawaaqay inay qaadaceen ka qeyb-galkoodii shirka, go’aankoodii ku tilmaamay mid ka dhigan Baroortu orgiga ka weyn.
Maxamed Kaahin Axmed waxa uu sidaasi ku sheegay shir jaraa’id oo uu shalay ku qabtay xarunta dhexe ee xisbiga Kulmiye, waxaanu yidhi “Gartu dhinac kaliya kama noqoto dhaqanka Soomaalida iyo sharciyada caalamiga ah ee bini aadamka, gar aan anigu imika xeer ilaaliye ka ahay, CID-dii badhaysayna aan ka ahay, gudoomiyihii maxakamada ee xukumayayna aan ka ahay, kaligay jeedin maayo, mid aanu isla ognahayna ma jirto, iyaguna (Murrashaxiinta)  jeedin maayaan, intaanu isla ognahayna  waa  shirka Golaha dhexe ee KULMIYE qaban-qaabadiisa.”
Gudoomiye ku xigeenku  waxa uu su’aal geliyay goorta uu Siilaanyo iyagana diiday Muuse Biixina raacay waxaau yidhi “Masalan waxa ka mida madaxweyne Siilaanyo eedayntiisa, iyaga ayaa shalayto wasiirro u ahaa,  markaa goorma ayuu  Siilaanyo noqday nin iyagana diidan Muuse Biixina doonaya.Axmed Siilaanyo aniga Wasiir igamuu dhigin, iyagaanu wasiirrada  ka dhigay intoodii xilalka iskaga tagayba, xisbigana igagamay shaqo badnayn, halgankiina igamay shaqo badnayn, raalina waxaan ku ahaa inaan aniga oo baaga-muunde ahaado oo aan suuqa iska joogay iyaguna ay Wasiirro ahaadaan”.
“Curfiga siyaasaddu maaha in maalinba inta adiga kuu gadmaysa iyo inta adiga kuu adeegaysa iyo inta aad adigu awrkaaga ku kacsanayso inaad ku salayso maaha,”ayuu ku dooday Maxamed Kaahin.
Sidoo kale waxaa uu  sheegay in madaxtinimadu ay tahay wax loo samro laakiin aan lagu helin sida ay iyagu wax moodayaan waxaanu yidhi “Axmed Siilaanyo shalay baa lala tartamay, laysmana lahayn Siilaanyo waxaa doorashada ka heli Daahir Rayaale. waa laga helay laakiin  muu dhiman Axmed Siilaanyo ee waa kaa nool ee samirkiisa ku sugay inuu Madaxweyne noqdo, xisbigana Muuse Biixi looguma shaqeeyo.”
“Arrinta ka dhalatay nimankii wasiirrada ahaa ee ka tagay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, taasi iyaga ayay u taalla, annaguna halkan dad aanu soo ururinaynaa ma jirto, dad ina Biixi u sacab tumayaana meesha ma tagayaan, Malaga yaabaaba in farsamooyinka ay wadaan uu ina Biixi ay iyagu dadka raacinayaan, marka la yidhaaho xisbigu ina Biixi ayuu shaqaynayaa, marka la yidhaahdo madaxweynuhu ina Biixi ayuu u shaqaynayaa anigu ina Biixi xilkiisi ayaan ka qaaday, sababtaan ina Biixi xilkiisi aan anigu uga qaadayna waxa ay aheyd qolada dhanka kale ah bal kalsooni ha ka timaado iyo jawi lagu wada shaqayn karo ina Biixina waxaan ay iyagu samaynayaan ayaa dad siinaaya,” ayuu yidhi guddoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE.
 
Maxamed Kaahin Axmed waxa kale oo uu intaa ku daray “Qoladan saaxiibadayo ah ma kala fogin, mana nihiin Kiristaanka iyo Shuuciga reer Falastiin, ee waxaanu nahay niman reer Somaliland ah oo Urur wada leh, ururadana waa lagu kala fikrad duwanaada, garabo kala duwan ayuu yeesha oo ururrada caalamka ka dhisan qaar baa la yidhaahaa midigta ayay u janjeedhaan, qaar baa la yidhaaha bidixday u janjeedhaan, mabaadi siyaasiya oo aanu hadda isku haynaa ma jirto, laakiin halka ay arrintu taagan tahay waxa weeye waxaan is lahayn 215 xubnood baanu haysanaa dee 215 kooda uun baan u maamuli lahaa oo aan shirka u gayn lahaa dabadeedna musharraxa guulaystaaba iyaga ayuu noqon lahaaye Soomaalidu waxa ay tidhaaha (Barroortu Orgiga Ka Weyn) nuxurka meesha ku jira iyo arrinka meesha ku jiraana waxa loo baahan yahay in hoos loogu daadago.”
Dhinaca kale garabka isbahaysiga Musharaxiinta Xisbiga KULMIYE ayaa sheeca ka qaaday in aanay ka qayb-geli doonin shirka Golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE, kaas oo lagu wado inuu maalinta Berri ee Salaasadda  uu ka furmo magaalada Hargeysa.
Cabdicasiis Maxamed Samaalle oo ka mid musharraxiinta u tartamaya madaxtimida xisbiga Kulmiye ayaa waxa uu shaaciyay in aanay ka qayb gali doonin shirka golaha dhexe ee KULMIYE waaanu yidhi “Markii Aanu Aragnay In Aan Laysku Joojinayn Markii Aanu Aragnay In Aan Tallo la kala qaadanayn Markii Aanu aragnay In aan laysku baahnayn waxaanu go’aansanay In Aanan Ka qayb galin shirkaas.”
Xildhibaan Axmed Cabdi Nuur Kijaandhe oo ka mid ah murrashaxiinta ayaa isaguna caddeeyay in aanay ka qayb geli doonin shirka golaha dhexe ee KULMIYE, isla markaana uu yahay shir u afduuban cid gaar ah, isaga oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxaanu go’aansanay in aan ka qayb-gelin shirkaas oo ah mid u afduuban koox yar,  waanu ka xunnahay tareenkii kulmiye ee aanu inta badan soo saarayn inaanu halkaa kaga degno.”
Sidoo kale, Wasiirkii hore ee wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ayaa shirka golaha dhexe ee KULMIYE ku tilmaamay mid aan sharci ahayn isla markaana aanay ka qayb geli-doonin, waxaanu yidhi “Waxaanu maanta goosanay annaga oo ah murashaxiintii ka tartamaysay xisbiga KULMIYE, in aanaan ka qayb gelin shirkaas oo ah mid aan xalaal ahayn oo xaaraan ah oo afduuban, waxaanu leenahay shirkaasi sharciyaddii xisbiga kuma toosna, kamana qayb galayno.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply