Guddoomiye Ku-Xigeenka Gobolka Sanaag Oo Jawaab Ka Bixiyay Hadallo Mucaaridku Kaga Hadleen Shaqaaqo Ceerigaabo Ka Dhacday

0
348

Ceerigaabo (Dawan):- Guddoomiye ku-xigeenka Gobolka Sanaag Ismaaciil Cabdi Xasan ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay warar Mucaaridku ka sheegeen shaqaaqo dhawr qof ay  ku dhaawacmeen oo ka dhacday magaalada Ceerigaabo toddobaadkii hore.
Waxaa kale oo uu intaa  ku daray Guddoomiye ku-xigeenka gobolka Sanaag in dhacdadaasi kadis ah ay ku dhacday isla markaana aanay jirin ku tallo-gal ay ciidanka booliska dhankooda ka timi balse is difaac iyo ka hor tag rabsahdo magaalada saameeya awgeed  in ay rasaasta u rideen ka dibna ay sababtay in dhawr qof si ka ma,ah u dhaawacmaan.
Guddoomiye x-geenka Gobolka Sanaag waxaa uu sidaa ku sheegay waraysi gaar ah oo uu khadk Telefoonka  ku siiyay wargeyska Dawan Xalay isagoo ku sugan magaalada Ceerigaabo.
Ismaaciil Cabdi Xasan oo aanu weydiinay sababtii keentay iska hor imaadkii dadku ku dhaawacmeen ee ka dhacay Ceerigaabo,waxaanu yidhi . “Si aan ku tallo-gal ahayn ayay dadka shaqaaqadaa nagaga dhaawacmay uu  ku gaadhay dhaawacyadu. sababtoo ah ciidanku kumay soo tallo galin in ay dad rayid ah iska hor yimaadaan, manay ogayn in si khaldan looga hor imanayo tallaabada  hawl-gal ee ay ku jireen oo ahayd in ay soo qabtaan nin eedaysane ah oo la doonayay  in  wax laga waydiiyo arrimo lagu soo eedeeyay oo haddii uu ku cadaaddo iyo haddii wax lagu waayaba waddo sharci ah ku dhammaan lahayd, laakiin waxaa ciidankii sida nabad-gelyda ah u socday ee eedaysanaha doonayay mar kaliya qabsaday shiid iyo dhagax tuur abaabulan oo aanay iska filayn iyo kacdoon xaafadda laga sameeyay oo  lagala  hor tegay ciidankii bulshada u adeegayay.
Markaa si aanay rabshadu halkaa u dhaafin oo aanay magaalada  ugu faafin nabad gelydana u saamayn ayay ciidanka boolisku isku dayeen in ay rabshadda dadka samaynayay kala kaxeeyaan ka dibna rasaas ayay rideen waxaana dhacay in dhawr qof rasaastaa ay ku dhaawacmaan,waanan ka xunahay in ciidanku rabshadii ay ka hor tagayeen ee sida lama filaanka ah loogu beegsaday booliska in dhaawac  ka dhasho oo dad xabadi ku dhacdo, imikana dhawrkii qof ee ku  dhaawacmayba waa la daweeyay xaaladooduna aad ayay u wanaagsan tahay, nabad-gelyada guud ee gobolkuna way wanaagsan tahay  ta degmada Ceerigaabana aad ayay u fiican tahay wakhti xaadirkan.”
 
Guddoomiye Ismaaciil oo aanu wax ka weydiinay eedo  madax-dhameed ka hadlay shaqaaqada Ceerigaabo ugu jeediyeen in ay cid gaar ah Maamulka gobolka iyo boolisku ku beegsanayaan ,ayaa ku jawaabay. “Horta anigu salaadiinta iyo madaxdhaqameedka waxba odhan maayo oo Madaxdhaqameedku waxay iga mudan yihiin sharaf iyo karaamo,laakiin ciidanku wuxuu u dib jiray ee uu dhaxanta iyo duruufaha adag u xamilay waa qaranimada Somaliland.  Haddii aan shaqadooda lagu xaq dhawrinna dal jira ahaan mayno. Waxaana loo baahan yahay in Madaxdhaqameedku ay ka qayb qaataan nabad gelyada oo ay Dawladda kala shaqeeyaan nabadda isla markaana mar walba ay ahmiyadda koowaad in ay siiyaan wada jirka ummadda waxaanan filayaa in Madaxdhaqameedka laftooda in ay nusqaan ku tahay in ay  yidhaahdaan beel baa gaar loo beegsanayaa, sababtoo ah ciidanka dalkuna wuxuu ciidan u yahay dalka Somaliland oo dhan galbeed illaa bari,waxaanu ka kooban yahay guud ahaan  beelaha Somaliland dega  markaa ciidanka dalka ayaa leh oo ay u diran yihiin isla markaana ay ka ilaaliyaan cid kasta oo cadaw ku ah wax su’aal iyo jawaab u baahanna maaha in ay rabshado ka dhashaan.”
Guddoomiyaha oo daba socday  eedo mucaaridku u jeediyeen oo ay sheegeen in ciidanka Gobolku ay masuul ka ahaayeen rabshadihii Ceerigaabo ka dhacay, waxaanu yidhi  “Mucaaridku waxaanay garanayn in aanay jireen asxaab mucaarid haddii aanu dalku ciidan lahayn oo uu fawdo yahay  sababta u saamaxday  in xisbiyo mucaarid dalku yeeshaana waxay  tahay oo hirgalintooda iska leh iyo ku dhaqanka sharcigaba waa askariga aynu ku hurudno, haddii ay Ciidanka qaranka yihiin,hadday boolis noqdaan iyo ciidamada kaleba waa cidda kaliya ee qarannimada u dib jirta una joogta albaab kasta oo dalka laga soo galo, ninka maanta leh ciidanka dalka ayaa hab qabiil cid u weerarayna waa nin ujeedo kale wata oo doonaya in uu xaalad  kale  dalka ka abuuro laakiin waxaan u sheegayaa in dalka iyo dadkuba ay ku nasteen oo ay ku caano maaleen ciidanka Somaliland ee kala gedisan oo ay ku garab taagan yihiin shaqooyinka adag  ee ay dalka u hayaan.”
Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Sanaag  oo ka jawaabayay su’aal ahayd  qofka eedaysanaha ahi in uu caddaalad helayo marka la soo qabto iyo waxay tahay farriinta uu bulshada u dirayo,waxaanu kaga jawaabay  “Mar walba waxa wanaagsan in qofku uu ogaado in  uu  noqon karo eedaysane  wax dambi ah lagu waayo iyo in uu noqon karo eedaysane dambi ku cadaado labadaasi  way dhici karaan, ka madax gobol ahaanna waxaanu  balan qaadaynaa in eedaysane isagoo aan dambi ku caddaan la iska xidhayaa in aanu jiraynin, laakiin waxaanu bulshadda uga baahan nahay in ay ciidammada gacan ku siiyaan hawlaha adag  ee ay dalka u hayaan isla markaana ciidan eedaysane loo soo diray in aanay si khaldan oo qabiil ah iskugu meerin oo aanay sharciga uga hor istaagin in qofkaa lagu baadho eedaha laga soo gudbiyay oo uu yeelan karo ama lagu waayi karo.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply