Ha’yad Ku Guulaysatay In Jiirku Ka Qeyb-galo Miino saarka

0
385

Jiirka oo dad badani ay la dagaalamaan cadowna u ah ayaa dhinaca kalena noqday mid waxtar leh oo sannad kasta badbaadiya kumanaan dad ah. Hay’ad ka dhisan dalka Belgium oo lagu magacaabo Abobo ayaa tababarta Jiirka si uu soo uga saaro meelaha ay ku jiraan miinooyinka, ka dib  markii tijaabooyin lagu sameeyay inuu jiirku fulin karo arrinkaasi.
Jiirka ayaa goobihii runta ahaa ee  lagu aasay miinada tilmaamay halka meelihi kale ee loo ekaysiiyay  laakiin aanay ku  jirin miino tilmaamay in aanay waxba ku jirin. Tababarkan ayaa hay’adan bilowday sannadkii 1997-kii, taasi oo muujisay in Jiirku awoodo  inuu shaqada miino baadhista samayn karo isagoo weliba ka dhakhso badan xayawaanada kale.
Jiirka ayay ku qaadatay inuu muddoo 20 daqiiqo ah kaga nadiifiyo miinada dhul baaxadiisa lagu qiyaasay 200 mitir oo dhinac walba ah. Dhulka qiyaastaasi ah ayaa la sheegay inay ku qaadanayso shaqaalaha caadiga ah in muddo 25 saacadood ay ku dhamaystiraan nadiifintiisa.
Mashaariicda loo yaqaano Hero Rat’s Sniff  Out landmines project ayaa wakhtigan noqday kuwo laga isticmaalo dalal badan oo dunida saddexaad ah sida dalalka Afrika iyo Cambodia. Mashruucan ayaa noqday  mid Jiirku sannad kasta ku badbaadiyo kumanaan qof.

Leave a Reply