Dhar Cajiib Ah Oo Jidhka Lagu Buufinayo

0
563

Aadamiga ayaa ku jira isbedelo joogto ah oo dhinaca nolosha ah. Markasta oo la soo bandhigo wax cusub waxay noqotaa arrin yaab leh. Aqoonyahan u dhashay dalka Spain ayaa soo  bandhigay  dhar xidhasho cusub oo ah in qofka lagu buufiyo jidhkiisa.
Dharkan ayaa ah dareere lagu buufinayo qofka. Dareeraha ayaa ka kooban dun iyo cudbi isla marka uu jidhka qofka taabto qalalaya oo adkaanaya kaasi oo noqonaya dhar caadi ah.
Qofkan ayaa marka uu iska saarayo uu yahay dhar  caadi ah, isla markaana la mid ah dharkiisa kale ee caadiga ah. Aqoon yahan Menal ayaa sheegay inuu habkan muddo toban sanadood ah ka shaqaynayay  sidii uu qofku u heli lahaa dhar si fiican ugu qiyaasan oo marka uu xidho si fiican u leeg, marka danbena aan noqon kuwo ka yar ama ka weyn madaama lagu buufiyay jidhkiisa.
Samaynta dharkan ayaa qaadanaysa rubuc saac haddi ay tahay Garan, Khamiis, Toobab ama shalmado iwm.  Aqoonyahankan ayaa intaasi ku daray in jidhka lagu buufinayo suuf, polymer iyo dareere caag ah si ay u noqdaan kuwo isku dhega oo sameeya marada loo baahan yahay iyagoo  jidhka ku  dhegan.
Menaal oo u waramayay wargeyska Dailymail ayaa sheegay in hal abuurnimadan uu doonayo in lagu yareeyo dharkii inta badan ooli jiray dukaamada kuwaasi oo aan la heli jirin cid xidhata oo ay leeg yihiin ama aanay dadku jeclaysan midabkooda iyo muuqaalkooda.

Leave a Reply