Qisada: Ardayad Sabool Ah Iyo Maamulka Dugsiga

0
344

Dugsi sare oo ku yaalla Maroco ayaa maamulihii iyo booliisku soo galeen fasalkii iyagoo ka kooban afar qof oo waday xiisad baadhis ah. Markii ay ardaydii ku bilaabeen ee mid kasat ay  ku amreen inay furaan shandadahooda waxay  kala kulmeen arrin yaab leh ardayad ka mid ah. Ardayda ayaa dhamaantood wada furay shandadahooda hal ardayad mooyee.
Inantaasi waxa wejigeeda ka muuqday naxdin iyo cabsi. Maamulaha ayaa markiiba yidhi waxa laga yaaba inay alaab qaadatay oo aan ka helno waxay ku amreen inay furto shandada iyagoo ardaydiina soo wada eegayso, laakiin way diiday inay furto.  Sida uu wargeyska Alwadan daabacay isagoo soo xiganayay  macalin xisaabta ka dhiga dugsigan.  ardayada ayaa dareentay niyad jab xoog leh iyo khajilaad markii ay afarta baadhe iyo ardaydii oo yaabani soo wada eegeen , shandadii oo ay ku dheganayd ayay xoog kaga qaadeen oo ay fureen,  maxaase ka soo baxay ?!.
Wargeyska ayaa sheegay in shandadii ardayad ay ka soo baxday iyadoo ay ku jirto hanbadii xiisadii cuntada oo ahayd 12:30 – 1:00 iyadoo  ah hanbadii ay ardayda ururisay ee la daadin jiray iyo weliba intii iyada la siiyay ee cunto ahyd. Maamulaha iyo baadhayaash ayaa aad u naxay , iyagoo si naxariis leh u weydiiyay waxa ku kelifay arinkan waxayna ku jawaabtay “ Hooyaday ayaa xaq u leh inay cunto, aabahay wuu dhintay,  mana shaqayso hooyaday , waxa na caawiya dadka jaarka ah, iyada ayaan maalin kasta u geeyaa waxa aan halkan ka helo si aanu ugu wada noolaano, waxa cunto noo ah inta aan halkan ka qaato oo keliya”.
Ardayadan saboolka ah ayaa dugsiga markiiba looga sameeyay sanduuq gargaar degdeg ah oo laga caawiyo oo uu maamulauhu madax u yahay si nolosha adag looga caawiyo.

Leave a Reply