“Waxaan Ahaan Jiray Nin Gogoshiisu Gaadhiga Iskaga Saaran Tahay”

0
279

Hargeysa(Dawan):- Wasiirka wasaaradda biyaha Mudane Baashe Cali Jaamac ayaa si rasmiya xilkii ugu kala wareejiyay  Wasiiru-dowlihii hore ee wasaaradda biyaha Mudane C/salaam  Maxamed Xasan  oo loo bedalay inuu noqdo   Wasiiru dowlaha wasaaradda deegaanka  iyo reer miyiga iyo Wasiiru dowlaha cusub ee wasaaradda Biyaha Md. Mahdi Cismaan Buuri.
 
Xafladii loo sameeyay xil wareejinta  labadaas masuul oo lagu qabtay xarunta wasaaradda  khayraadka biyaha. waxa ka soo qeyb-galay masuuliyiinta wasaaradda, agaasime-waaxeedyadda iyo shaqaalaha wasaaradaasi.
 
Agaasimaha guud ee wasaarada biyaha  C/risaaq Jaamac Nuur, oo xafladaasi ka hadlay  ayaa sheegay inay sii sagootinayaan Wasiiru dowlihii hore, isla markaana ay si niyadsamiya u soo dhaweynayaan Wasiiru dowlaha cusub.
“Waxaan halkan mahad-naq u jeedinayaa Wasiiru dowlihii  hore ee wasaaradda  Mudane C/salaam  oo si hufnaan iyo karti ku dheehan u wada shaqaynay waxaan ku majeeranayaa  in shaqada wasaaradda uu u hagar baxay oo uu wax weyn ka qabtay.  waxaanan rejaynayaa in aanu innaga  fogaan Wasiirku madaama u tagay wasaaradda deegaanka oo wada shaqeyn dhowi innaga dhexayso.  Wasiiru dowlaha  cusub ee wasaarada Mudane Mahdi Cismaan Buuri waxaan leeyahay soo dhawoow  kollay Mahdi maaha masuul innagu cusub waa nin khibrad leh oo aan filayo inuu halkaasi ka sii qaado,” Ayuu yidhi Agaasimaha guud ee wasaarada biyuhu.
 
Wasiirku dowlihii hore ee wasaaradda Mudane C/salaan   Maxamed Xasan,  oo xafladaasi ka hadlayna waxa uu yidhi  “Ugu horeyn waxaan halkan  mahad iyo bogaadin baa siinayaa  shaqaalaha wasaaradda oo si  hagar la’aana iila shaqeeyay.  waxa kale oo aan bogaadin u diraya madaxweynaha oo markii hore ii magacaabay xilka wasaaradani imikana ii bedalay wasaarada deegaanka kollayna Wasiirradu waa shaqaale oo marba halkii la geeyo ayuun baa  muhiima  inay wax kordhiyaan oo ummada u shaqeeyaan  waana sunne iska caadi ah wasaarada waxay ka kooban tahay shan waaxood oo waaweyn oo mid waliba hawl u xilsaaran tahay.  waxaana agaasimayaal ka ah farsamo yaqaano  khibrad leh, wasaaraddu maaha gudaha oo kaliya waa ilaa gobollada safarkaagu wuu  badanaayaa saddexda habeenimo intaa lagula soo hadlo ayaa lagu odhan ceel baa dumay ama beebaa xumaaday ee Telefoonkaaga gacantu  ha furnaado .aad iyo aa baan Wasiir Baashe ugu  mahad-celinayaa si fiican oo wada shaqeyn leh  baanu u wada shaqeynay wax badan baa noo qabsoomay muddadii aan  joogay oo ay uga dambeaysay in wasaaradda biyuhu yeelato bugcad u gaar a oo shalay  Madaxweyne Ku-xigeenku noo dhagax dhigay.”
Mudane Mahdi Cismaan Buuri oo ah Wasiiru dowlaha cusub ee wasarada biyaha  oo dhawaan madaxweyne Siilaanyo magacaabay ayaa madaxweynaha Somaliland uga mahad-celiyay  xilka culus ee uu u igmaday. “Waxaan u mahad-naqayaa ILAAHAY,   mar ka labaadna madaxweyne Silaanyo oo ii igmaday inaan xilkan qabto Wasiir C/salaam  wax weyn baa u  suurto-galay,  waanay muuqata anigu shaqada wasaarada ee uu yidhi C/salaam  safar bay u badan tahay waxaanan muddo joogay wasaarada caafimaadka oo saacadii   la doono lagu odhanayo  malaariya ayaa  dilaacday,  markaa waxaan ahay nin gogshiisu gaadhiga u taalley.  Waxa  muhiima in lama waarayee  qofku intuu joogo shaqada u qabta dadkiisa ka muuqato iyo shacbiga uu  adeegaha u yahay,”Ayuu yidhi Wasiirul-dowlaha Cusub ee Biyuhu.
 
 
Ugu dambayn Wasiirka khayraadka Biyaha  Baashe Cali Jaamac, ayaa si rasmi ah labada Wasiiru dowle xilkii ugu kala wareejiyay.
Dawannews Hargeysa  office

Leave a Reply