Qoddobo Xasaasi Ah Oo La Hor-geeyay Kal-fadhiga 6-aad Ee Golaha Degaanka Boorame

0
291

Boorame (Dawan): Badhasaabka  gobolka    Awdal  Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), ayaa shalay  si rasmi ah u furay kal-fadhigii 6-aad ee golaha degaanka magaaladda Boorame. Kaasi oo la horgeeyay qoddobo xasaasi ah oo la xidhiidha horumarinta adeegyadda bulshadda.
Furitaanka kal-fadhiga lixaad ee golaha  degaanka Boorame  oo dhawr jeer dib u dhac ku yimid xilligii  loo qorsheeyay in uu furmo, ayaa waxa ka soo xaadiray  12-xildhibaan oo ka mid ah 21-ka xildhibaan ee uu ka kooban yahay golaha degaanka Boorame. Iyadoo sida sharcigu dhigayo  fadhigani uu ku furmayo kala-badh tiradda xildhibaanadda iyo hal lagu daray.
Maayarka magaaladda Boorama,  Maxamed Xuseen Maydhane, ayaa sheegay in kulankaasi lagu falan-qayn doono qaybo ka mid ah baahiyaha degmada iyo dawladda hoose.  Waxaanu  yidhi “Waxaa innoo furmay kal-fadhigeennii sharciga ahaa, oo aan ku falan-qayn doono dhawr qoddob oo muhiim u ah degmadda iyo intii aanu xilka haynay wixii degmadda u qabsoomay, oo ah muddo afar bilood ah.
Qoddobadaasi waxaa ka mid ah: isku-shaandhayntii guddiyadda Golaha degaanka. Dakhli kordhinta iyo ururinta cashuuraha. Kor u qaadista fayo-dhawrka magaaladda iyadoo ay Ey-du ku badatay. Arrimaha shaqaalaha dawladda hoose. Tirro-koobka guryaha iyo dhulka banaan, iyo miisaaniyadda dawladda hoose. Lixdaas qoddob in aynu u falan-qayno fadhigani, wixii aad go’aamisaan ayaana  lagu dhaqmi doonaa. Waxaana ugu horayn doona in aanu warbixin idinka siino afartaasi bilood ee aanu xilka haynay wixii noo qabsoomay.”
 
Badhasaabka Awdal Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), oo hadal ka jeediyay furitaana kal-fadhiga lixaad ee golaha degaanka Boorama ayaa sheegay  inay habboonayd in kulankani  uu mar hore  qabsoomo  si baahiyaha  bulshadda wax looga qabto.
Waxaanu  kula dardaarmay mudaneyaasha in aan laga maqnaan ama aanay ka war-wareegin fadhiyadda noocani oo kale ah,   lagana  qayb qaato fadhiyada arrimaha bulshada lagu horumarinayo. Waxaanu yidhi “Farxad ayay ii tahay in aan ka soo qayb gallo furitaanka kal-fadhiga lixaad ee golaha degaanka degmadan Boorame, oo ay muhiim tahay, in uu  raagay ayaan anigu tebayaa,  waxaanay ahayd in hore loo qabto. Hase yeeshee  All-xamdu lilaah mar haddii uu maanta idiin suurto-galay,  aad iyo aad ayaanan idiinku mahad naqayaa.
Waana ta loo baahan yahay  in kolba waxa ay magaaladu u baahan tahay in lagaga dooddo, in la isku goo-gooyo ma aha, aad iyo aad ayaanan ugu mahad naqayaa  xildhibaanadda isku imaatin koodda iyo maamulkaba, waana ta keenta had iyo jeer marka ay shirarku qabsoomi waayaan, ama laga shakiyaba in uu shir qabsoomo  waa ta keenta in hawlihii degmadu ay socon waayaan. Sidaas darteed aad iyo aad ayaan idiinku mahad naqayaa  maamulka iyo xildhibaanadaba,  shirkuna wuu innoo furan yahay.”
By: Khadar C.Muuse
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply