Guddoomiyaha Wajaalle Oo Ka Hadlay Masuuliyiin Ka Tirsan D/Hoose Oo La Xidhay

0
390

Tog-wajaale (Dawan): Guddoomiyaha magaaladda Tog-Wajaale C/casiis Saleebaan Xasan, ayaa ka hadlay sababta keentay in la xidho agaasimaha waaxda dhulka iyo Joomitirka dawladda hoose ee Wajaale iyo nin ganacsade ah oo Sabtidii doraad uu guddoomiyuhu xidhay.
 
Waxaanu sheegay in sababta loo xidhay xubnahaasi ay ahayd kadib markii sida uu sheeay agaasimaha waaxda dhulka iyo Joomitirka dawlada hoose ay laaluush ka qaateen nin ganacsade ah isla markaana meel wado ah ay si sharci darro ah ugu ogolaadeen inuu meherad uga dhisto.
 
C/casiis Saleebaan Cali, oo xalay aanu telefoonka kula xidhiidhnay isagoo joogay Wajaale, waxa uu sheegay   ayaa talaabadaasi  ku tilmaamay mid uu ku  doonayo inuu wax kaga qabto dhibaatadda dhinaca dhulka oo soo noqnoqotay.
 
Waxaanu guddoomiye C/casiis intaasi ku darya in shalay  la sii daayay labadii masuul  iyo ninkii ganacsadaha ahaa, sandaqadii sida sharci  darada ah loo dhisayna  meeshii laga qaaday.  Wuxuu sheegay guddoomiyaha Wajaale  in arrimahani  sida sharci daradda ah ay masuuliyiinta dawladda hoose ugu kacaan ay soo noqnoqdeen.
 
Isagoo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Meel  waddo ah oo la maro,  oo suuqa dhexdiisa ah ayay  nin ganacsade ah ku yidhaadeen Sandaqad ka dhiso.  Horena  waanu uga wda hadalnay  qoladda dhulka mudada yar ee aan joogay, arrimahaasi dhulkana dhawr kiis  oo horena way jireen.  Markaa  waxay ila noqotay markii aan arkay in nimankani ay meesha ku Mameen oo meello kale oo sidan magaaladda loo xidhayna ay jireen in aan tallaabo ka qaado.
 
Ninkii  ganacsadaha ahaa, Joomitirkii iyo agaasimihii  waaxda dhulkaba waan xidhay,  kadibna  ninkii ganacsadaha ahaana  wixii  laga qaaday ee lacag ahaa waa loo celiyay, jiingadiina meeshii waa laga  qaaday, sidaas ayay hawshaasi ku dhamaatay. Hore ayay u dhacday, oo wadooyin badan ayaa imikaba xidhan, sababta loo xidhayna waa qaladkaasi ay galeen, wax kale may jirin, saddexdii ba waa la sii daayay, sandaqadiina meeshii waa laga qaaday”.
 
Guddoomiyaha oo aanu waydiinay waxa ugu qorshaysan sidii uu wax uga qaban lahaa dhibaatooyinka arrimaha dhulka sharci darrada ah ee magaaladda waxa uu ku jwaabay  “Waxaan rejaynayaa in aan tallaabo adag ka qaado, qaabkii wadooyinka “town plane-ka”  magaaladuna  wuu samaysan yahay, dadkana in aanu ku wacyigelino inay wdooyinka furaan iyo meelaha la marro,  kadibna  biyo-gelintii magaalada oo diyaar ah in marka  town  plane-ku  uu dhamaado iyadana la raacio”ayuu yidhi C/casiis Saleebaan Xasan.
By: Khadar Cabdi Muuse
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply