Israsaaseyn culus "oo laga maqlayo" Paris

0
580

Rasaas culus ayaa laga maqlayaa woqooyiga magaalada Paris, iyadoo wararku sheegayaan in howlgal amni uu halkaasi ka socda.

Askar ka tirsan ciidanka boliiska ayaa la dhaawacay, sida laga soo xigtay TV-ga BFMTV ee dalkaasi.
Goor sii horreysay ayaa boliisku sheegeen in sawirro muuqaal ah laga ogaaday inuu jiro qof sagaalaad oo qeyb ka ahaa weerarkii Sabtida lagu qaaday Faransiiska ee ay ku dhinteen 129 rux.
Ururka la baxay dowladda Islaamka ayaa sheegtay weerarkaasi.
Wararka qaar ayaa sheegaya in waddooyinka la xiray agagaarka Place Jean Jaures ee ku taalla xaafadda Saint Denis.

Leave a Reply