Siyaasiyiinta US oo diidan qaxootiga

0
347

Siyaasiyiin sare oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ee magaalada Washington ayaa waxa ay ku baaqayaan in si degdeg ah loo xiro dhammaan xuduudaha Mareykanka oo aysan soo galin qaxooti Suuriya ka socda.

Gudoomiyaha cusub ee aqalka wakiillada, Paul Ryan, ayaa waxa uu sheegayaa in loobaahan yahay in la joojiyo qaxootiga Mareykanka uu qaabilayo, taas oo uu la xiriirinaayo weeraradii Paris.
Mareykanka ayaa qorsheynaayay inuu soo dhaweeyo 10 kun oo dheeraad oo qaxooti Suuriyaan ah.
Laakiin, Paul Ryan waxa uu weriyayaasha u sheegay inay la joogay “xaalad ay wanaagsan tahay in la nabad galo, halkii la dhibaatoon lahaa.”
Waxa uu intaa raaciyay in arrinta masuuliyadda u baahan ay tahay hakinta qaxootiga si loo hubiyo in “argagixisada” aysan ku dhex dhuuman bulshada qaxootiga ah.
Golaha Kongereska ayaa la filayaa in arrinta ay u codeeyaan Khamiista.
Laakiin Madaxweyne Obama ayaa sheegay in dadka u tahriiba Mareykanka, ay kolhore wajaheen hanaan baaritaan oo aad u adag.

Leave a Reply