Xukuumadda Oo Ka Hadashay Kulan Ay La Yeelatay Amnesty International

0
364

Hargeysa (Dawan)- Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta Somaliland Marwo  Shugri Xariir Ismaaciil ayaa shalay  la kulantay wefti ka kala socday ha’yadaha FCO iyo Amnesty International.
Wasiir Shugri Xariir oo kulankaasi ka dib la hadashay warbaahinta qaranka ayaa sheegtay in ha’yadahan Amnesty International iyo ha’yadda ka shaqaysa  Horumarinta saxaafada ee FCO, ay ka wada hadleen sidii kor loogu qaadi lahaa tayada saxaafada Somaliland, isla markaana ummadda Somaliland  u heli lahayd warar xaqiiqo ah.
“Waxa aanu  la kulanay wefti ballaadhan oo ka socday ha’yadda  ilaalinta  xuquul insaanka adduunka ee Amnesty International oo ay wahelinayeen ha’yadda ka shaqaysa horumarinta  saxaafadda ee FCO. Guud ahaan waxa aanu ka wada hadalnay sidii kor loogu qaadi lahaa  tayada saxaafada Somaliland, umadda Somaliland-na u heli lahayd wararka saxda ah ee rasmiga ah ee ay u baahan yihiin.
Marwo Shugri waxa kale oo ay intaa ku dartay, “Waxa kale oo aanu ka wada hadalnay sidii layskugu soo dhaweyn lahaa ummadda oo aan warar khaldan oo keena curfi oo aan sax ahayn loo gudbin lahayn, oo wasaaradaha  laga helo  marka loo baahdo in war laga helo ama warbixin ay bixiyaan oo ha’yadaha dawliga ah  loogu bisleyn lahaa qaabka u diyaargarowga warsaxaafadeedyada iyo sida looga hadlayo barnaamijyada oo looga ilaalin lahaa in ay ka baxaan saxaafadeena warar beena oo aan loo baahnayn, ta  gaarka ah iyo ta dawladda oo looga ilaalin lahaa bulshadda jahwareerka,”ayay tidhi Wasiir Ku-xigeenka Warfaafintu.
 
Wasiir Shugri Xariir waxa ay tilmaantay in ha’yadda Amnesty International ay ka wada hadleen in Somaliland tahay dal curdin ah oo u baahan in dadkiisa la gaadhsiiyo warar xaqiiqo ah, waxaanay tidhi  “Waxa kale oo aanu kala hadalnay in dalkani yahay dal curdina oo dhismaya oo u bulshadiisu u baahan tahay in la gaadhsiiyo warar xaqiiqo ah iyo barnaamijyo waxtar leh oo ay wax ka baran karaan oo bulshada loo jiheeyo dhinaca wax soo saarka iyo adkaynta nabadgalyadda.”
Khadar M. Dhako
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply