Qarax ugu yaraan 30 ku dilay Nigeriya

0
319

Xubno ka tirsan maamulka Nigeriya waxa ay sheegayaan in qarax weyn oo ka dhacay magaalada Yola laga cabsi qabo inay ku dhinteen inkabadan 30 qof, tobannaan kalana ay ku dhaawacmeen.

Goobjooge ayaa waxa uu sheegay in qaraxa uu aad u xoog badnaa dhawaqiisana magaalada oo dhan laga maglay.
Weriyayaasha halkaasi ku sugan waxa ay sheegayaan in qaraxa uu ka dhacay meel u dhow suuqa qudaarta xilli ganacsatada ay xirayeen dukaamadooda.
Madaxweynaha dalka Nigeria, Maxamadu Buhari, sabtidii ayuu booqday magaalada Yola, halkaas oo uu kaga dhawaaqay in Boko Xaraam ay ku dhowdahay in laga adkaado.
Magaalada Yola sanadkan waxaa ka dhacay laba qarax oo dad badan ay ku dhinteen.

Leave a Reply