Xalwadda Oo La Sheegay Inay Lumiso Xusuusta

0
338

Khubaro dhanka caafimaadka ah oo dhowaan daraasad ku samaysay waxyaalaha macaan ee ay ku jirto xalwadu ayaa cadeeyey inay waxyaalahaasi yareeyaan xusuusta dadka,iyaga oo kordhiya ilawshiiyaha.
Khubaradan ayaa sheegay in waxyaalahan macaani ay joojiyaan Neurons ka maskaxda u qaabilsan xusuusta iyo xifdiga,kuwaas oo keena inay yaraato xusuusta qofku,waxaanay sheegeen inay aad u lunto qaybta maskaxda ee loo yaqaano ICs ka,taas oo ku noqota waqtiyo hore ama istaagtaba bartaasi ay xusuustu maraysay.
Jaamacadda University of Georgia oo ay khubaradani ka socotay ayaa samaysay tijaabooyin ay marisay labrotory-ga,taas oo la doonaayo in la xaqiijiyo,iyada oo sidoo kalena tijaabo kale lagu samaynaayo dad loo qaybinaayo laba kooxood oo qaybina cunto macaankaasi qaybna laga daayo,waxa isna dhinac socda jiir lagu samaynaayo tijaabadaasi.
Khubaradan ayaa sheegay in dadka macaankan cunaa ay noqdaan kuwo aan waxba u aabo yeelin oo cuna wax walba ,iyaga oo aan u baahnayn.

Leave a Reply