Meesha uu joogo "abaabulaha" weerarka Paris lama oga

0
420

Dacwad oogaha maxkamadda Paris ayaa sheegay inaan la ogeyn meesha uu joogo ninka lagu eedeeyay inuu abaabulay weeraradii dadka badan ay ku dhinteen.

Francois Molins ayaa weriyayaasha u sheegay in Cabdelxamid Abaauud uusan kamid ahayn sideeda qof ee la xiray intii uu socday howlgal ka dhacay xaafad ka tirsan Paris oo lagu magacaabo Saint Denis.
Sikastaba, waxa uu sheegay in haraaga jir bini’aadam oo dhismaha laga helay aan weli la aqoonsan.
Haweeney ayaa is qarxiyay qof kalena waala toogtay inta howlgalka uu socday.
Dhismaha ayaa waxyeelo aad u daran ay soo gaartay lamana oga in meyd kale uu burburka ku hoos jiro, afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha gudaha ayaa sidaasi sheegay. Laakiin laba qof oo la toogtay ayaa weli aan la sheegeyn aqoonsiyadooda.
Inkabadan 5 kun oo xabo oo rasaas ah ayaa la is weydaarsaday inta howlgalka uu socday, dadka qaar ayaana sheegaya in Saint Denis ay isu badashay sida goob dagaal.
Abaauud ayaa la sheegayaa inuu qabanqaabiyay weeraradii jimcihii ee sababay dhimnashada 129 qof.
Dhammaan dhibanayaasha ee weeraradaasi oo lala eegtay tiyaatar ay xaflad muusik ay ka socotay iyo garoon ciyaaro, ayaa hadda la aqoonsaday sida dowladdu sheegtay.
Kooxda labaxday Khilaafada Islaamka ayaa sheegatay masuuliyadda weeraradaasi.
Mr Molins ayaa tilmaamay in howlgalka booliska ee Saint Denis uu fashiliyay weerar cusub, loogana hortagay koox uu ku tilmaamay argagixiso, taas oo uu sheegay inay u muuqatay inay diyaar u ahayd howlgal kale.
“Markastaa, aniga ma hayno qofka sheegaya tirada rasmiga ah ee ku dhintay halkan, ama aqoonsigooda, laakiin ugu yaraan laba qof ayaa dhintay”, ayuu hadalkiisa sii raaciyay.
Faafaahinta uu ka bixiyay howlgalka Saint Denis ayaa muujineysa in goob dagaal uu noqday dhismaha.

Leave a Reply