Socodka Lugta Ee Dheeri Wuxuu Ka Qayb Qaataa Cimri Dhererka

0
280

 
khubarada Sayniska ee wadanka Australia ayaa dhowaan daraasad ay sameeyeen waxay ku sheegeen in socodka lugta ee waqtiga dheer maalintii la socdaa uu keeno cimriga ama da’da oo qofka u korodha ama cimrigiisa oo dheeraada.
khubaradan ayaa sheegay in markasta socodkaasi ku xidhan yahay inta talaabo ee uu qofkaasi qaado maalintii,taasina ay yarayso in qofku hore u dhinto ama inuu qofkaasi u dhinto xanuunada waqtigan dadka laaya oo ay sababto caafimaad daro jimicsi la’aan ka timaada.
khubaradan aya daraasadan intii ay ku jireen ama wadeen waxay tijaabo ku sameeyeen ilaa saddex kun oo qof,kuwaas oo ahaa dad si mutadawacnimo ah ula shaqaynaayey,waxaanay dadkan da’doodu u dhaxaysay 48 sanno ilaa 52 sanno,iyada oo mid walba la xisaabiyey talaabooyinka uu qaaday .
daraasadan ayaa intii aan la bilaabin waxa kale oo la xisaabiyey culayska dadka ka qayb gelaayey iyo habkooda nololeed,iyaga oo khubaradani sheegay in dadka ka qayb gelaayey daraasadan tijaabadeeda ay maalin walba wax ka dhacayeen culayskooda.
khubaradan ayaa dadka kula taliyey inay sameeyaan socod maalintii ugu yaraan ilaa 3000 oo talaabo ah ,kuwaas oo ka hortegi kara xanuuno keeni kara dhimasho deg deg ah.
khubaradani sidoo kale waxay ku dhawaaqeen in socodku uu ka hortago xanuuno kala duwan oo keena inuu qofku kasoo kaban waayo ,sidoo kalena waxay sheegeen inuu ka takhaluso culayska badan.
 
 
 
 

Leave a Reply