Hindiya: Muslimiintu Waa Inay Joojiyaan Cunista Hilibka Lo’ada!

0
294

Masuul sare oo ka tirsan dalka Hindiya ayaa muslimiinta dalkaasi ugu baaqay inay joojiyaan cunista hilibka lo’ada haddii kale ay dalka ka baxaan, isagoo ku tilmaamay inay yihiin muwaadiniinta derejada labaad ah.
 
Ninkan oo lagu magacaabo Manohar Lal Khatar oo ah ra’iisawal wasaaraha gobolka Harayana ee waqooyiga Hindiya ayaa arrinkan ku tilmaamay  in la dhawrayo aaminsanaanta bulshada Hinduuska ah oo badankoodu u arka Lo’da xayawaan muqadas ah oo ay caabudaan.
 
Waxaana la sheegay inay arintani sii kordhin doonto kala qaybsanaanta bulsahda dalkaasi kuwada nool. Isagoo u waramayay wargeyska Indian Express wuxu yidhi “ Ha joojiyaan cunista hilibka Lo’da muslimiintu , waayo way sii ahaanayaan muslimiin xataaa markay joojiyaan cunista hilibka lo’da, miyaanay sidaasi samayn karin? . Waxaana uu hadalkiisa ku soo xidhay waa inay labadaasi mid raacaan inay joojiyaan cunista hilibka lo’da iyo in ay dalka ka guuraan.

Leave a Reply