“Sideetan Jir Ayay Ku Dhamaysay Dugsi Sare”

0
313

Margeret Peika waa islaan ayeeyo ah oo 80 sano jirta, una dhalatay dalka Ingiriiska, waxayna ka qalin jebisay waxbarashada dugsiga sare. Islaantan ayaa muddo dheer ku hamiyaysay inay dhamayso tacliinta dugsiga sare iyadoo wakhtigii ay duruufo jiray awgeed ay u sii wadan kari waday.
Wargyeska dailymail oo gabadh ay dhashay oo u waramaysay ayaa sheegtay in hooyadeed ay xaqiijisay wax ay in badan ku riyoonaysay. Maamulaha dugsiga sare ee islaantu ka qalin jebisay oo lagu magacaabo Grieg Deica ayaa iyana tidhi: ” waxay nafteeda u hurtay dhamaystirka waxbarashadeeda, wayna ku guulaystay”. Waxa kale oo ay intaasi ku dartay inay Marget dhiirigelisay bulshadeeda, isla markaana ay ardayda iyo bulshada ku abuurtay qiyam waxbarasho oo wanaagsan”  Islaanta Marget ayaa iyana iyadoo farxasan tidhi “ Hadda waxaan dareemayaa caalamadaha dhamaystirka , in badan ayaan jeclaa inaan dhameeyo tacliinta sare, waanan ku guulaystay” . Islaanta ayaa la gudoonsiiyay  shahaadada dugsiga sare.

Leave a Reply